Hargeysa, 29 July, 2015 (Himilo)- Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa qado sharaf ku maamuusay madaxweynihii hore ee maamul-goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo dhowrkii maalmood ee u dambeeyey socdaal ku joogay Hargeysa.
Cabdiraxmaan Faroole oo muddo todobaad ah ku sugan dalka, ayaa ujeeddada socdaalkiisu ku sheegay sidii uu u tacsiyayn lahaa Qoyska ay ka dhalatay Xaaskiisa ku geeriyootay magaalada Garoowe, kaddib markii ay rasaas kaga feketay wiil ay dhashay.
Munaasibad qado-sharaf oo madaxweyne Saylici ugu sameeyey Hargeysa, ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Cabdiraxmaan Faroole, waxaanu yidhi, “Madaxweyne imaatinkayga halkan waad ka war haysaan oo wuxuu ahaa xidhiidh aan idin la soo sameeyay, oo aan u imid si gaar ah oo khusaysa geeridii xumayd ee naxdinta lahayd ee ku timid qoyskayga (Xaaskaygii).”
Cabdiraxmaan Faroole waxa uu u mahad-celiyey Shacabka iyo Xukuumadda Somaliland, waxaanu yidhi, “Qoyskayga oo u qaybsanaa Australia oo anigu aan joogay iyo Garoowe iyo Hargeysa, ayaan qaybtan Hargeysa ku soo gaadhay tacsi. Tacsidaas dadka iigu yimid ma tirin karo, waxaan hore u aqaanay oo asxaab ahayn, waxaanu qaraabo ahayn iyo dad ka mid ah dadweynaha iyo xukuumadda. Aad iyo aad baan uga mahadcelinayaa sidaas la iigu qadariyay intii aan halkan joogay, idinkana waan idiin hambalyaynayaa waanan idiin mahadnaqayaa dhammaantiin haddaad tihiin xukumad iyo shacabba” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Faroole.
Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, Madaxweyne xigeenka Somaliland, oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaa sharaf weyn noo ah inaanu halkan ku marti qaadno Cabdiraxmaan oo kolay ah Oday Soomaaliyeed oo halkan inala jooga. Sharaf bay noo tahay Madaxweynahana way is arkeen, markaa marti-qaadkuu nagu lahaa uun baanu u samaynay.”
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment