Liibiya, 29 July, 2015 (Himilo)- Maxkamad ku taalla dalka Liibiya, ayaa dil toogasho ah ku Xukuntay Wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Waddanka Liibiya Col. Mucamar Al-Qaddaafi, kaasoo lagu magacaabo Saif al-Islaam iyo Toddoba qof oo kale oo ka tirsanaa Xukuumaddii Qadaafi ee xoogga xukunka lagaga tuuray.
Taliyihii hore ee Mukhaabaraadka Liibiya, Abdallah al-Senousi iyo Raysal-wasaarihii hore ee dalkaas Al-Baghdadi al-Mahmudi, ayaa sidoo kale iyagana Maxkamaddu ku xukntay dil toogaho ah. Sidoo kale, Maxkamadda ayaa dhawr qof oo kale ku xukuntay Xabsi daa’in iyo Xabsiyo min shan sano ah.
Waxaa kale oo Maxkamadda isla shalay la hor-keenay 30 qof dad ka badan oo ay aad isugu dhawaayeen Col. Mucamar Al-Qadaafi. Dadkaas ayaa lagu eedeeyay dembiyo dagaal iyo inay awood u isticmaaleen dad si nabad ah u dibed-baxayay xilligii kacdoonkii lagu riday Maamulkii Qadaafi uu ka socday dalka Liibiya Sannadkii 2011-kii.
Saif Al-Islaam Al-Qadaafi, ayaa Fiidiyow ama Muuqaal kaga qayb-qaatay Maxkamadda isagoo ku sugnaa magaalada Zintan ee dalka Liibiya, halkaasoo ay ku heystaan koox Mucaaradka dalkaas ka mid ahayd. Waxaa hore loo sheegay markii la qabtay Saif al-Islaam in laga jaray farta Suulka ku xigta ee loo yaqaanno Murdisada oo uu caan ku ahaa inuu dadka ku taago marka uu hadlayo, gaar ahaan ta Gacanta Midigta.
Maxkamadeynta Wiilka uu dhalay Madaxweynihii hore ee waddanka Liibiya Mucamaral Qadaafi iyo Xubnihii ka tirsanaa Xukuumaddii Qadaafi, ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee Liibiya lagu qabto tan iyo markii Xukuumaddii Col. Qadaafi xukunka laga tuurtay. Waxaana Madaxweynihii hore ee Liibiya Col. Qadaafi dilay qaar ka tirsan Kooxaha Xukuumaddiisa Mucaaradka ku ahaa isagoo ku dhuumanayey markaas meel ka baxsan magaalooyinka waawayn ee dalkaas sannadkii 2012-kii.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment