Nairobi, 25 July, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama, ayaa shalay galab, gaadhay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaasoo si diirran loogu soo dhaweeyey, isla markaana uu ku joogi doono bookhasho muddo laba maalmood ah qaadan doonto.
Diyaaraddiisa gaarka ah, ayuu Madaxweyne Obama kaga dagay Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, halkaas oo si weyn looga sugaayay, iyadoo guud ahaan ammaanka magaalada Nairobi si weyn dawladda Kenya u adkaysay.
Obama, garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo xubno ka tirsan Xukuumadiisa. Iyadoo sidoo kale soo dhaweyntiisa ay ka qeyb galeen dadweyne tiro badan oo ay hoggaamineysay Madaxweyne Obama Ayeydiis Aabihiis soo korisay ee Sarah Obama oo ah xaaska saddexaad ee Awoowgiis Aabbihii dhalay. Sidoo kalana ah qofka ugu weyn ee ka nool Qaraabadiisa Kenya.
Barack Obama oo lagu wado inuu Kenya joogo maalmaha soo socdo, ayaa wuxuu 25 iyo 26-ka bishaan kaga qeybgali doonaa Nairobi Shirka caalamiga ah ee Ganacsiga (GES) Global Entrepreneurship Summit, oo sannadkaan markii ugu horreysay ka dhacaaya Bariga Qaaradda Afrika, gaar ahaan Kenya.
Wuxuu sidoo kale Axada soo socoto Madaxweyne Obama kula hadli doonaa Garoonka Kubbadda Cagta Kasarani ee magaalada Nairobi, Shacabka Kenya oo si weyn u sugaaya iney la kulmaan Madaxweynaha Mareykanka ee Aabbihiis uu ka soo jeedo Kenya dhalasho ahaan.
Wararka hor-dhaca ah, ayaa tibaaxaya in Madaxweyne Obama xubno ka tirsan Qoyskiisa oo ay ka mid yihiin labadiisa Gabadhood ee Sasha iyo Malia, aanay ku wehlinin safarkan xilli Warbaahinta Kenya qaarkood ay hore u sheegen in Qoyska Madaxweynuhu ay u dhan yihiin booqashadan.
Madaxweyne Obama oo safarkani uu noqonayo kii afraad ee uu ku yimaaddo Qaaradda Afrika tan iyo markii Xafiiska Madaxweynaha Maraykanka loo doortay, ayaa wuxuu hore u tegay dalalka Koonfur Afrika, Senegal, Ghana iyo Tanzania, isagoona sannadkii 2013-ka mar uu booqday waddanka Tanzania oo daris dhaw la ah Kenya kaga dhawaaqay, qorshaha dawladda Mareykanku ay ku horumarineyso Qaarada Afrika oo uu sheegay iney ku baxeyso lacag dhan 7 Bilyan oo Doollar-ka Mareykanka ah.
Sababaha uu Obama hore ugu soo booqan waayay dalka Kenya, ayaa lagu sheegay iney qeyb ka aheyd dacwaddii Maxkamadda ICC kaga socotay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo markii dambe ay Maxkamadda caalamiga ah ee dembiyada dagaalku joojisay isla horraantii sannadkan oo uu hor-tegay. waxaanay booqashadani uu hadda ku yimid Kenya noqoneysaa tii ugu horreysay ee Kenya uu ku yimaaddo intii uu Madaxweynaha ka ahaa Maraykanka. Balse intii aanu Madaxweynaha noqon wuu yimi dalkaas.
Si kastaba ha ahaatee, waa booqashadii ugu horreyay ee uu Obama oo Madaxweyne ahi ku tago Kenya oo Aabbihii ka soo jeedo dhalasho ahaan. Ammaanka magaalada Nairobi ayaa aad loo adkeeyay. Dadka Kenya ayaa si weyn ugu diyaargaroobay soo dhaweynta Obama oo ay sheegeen inuu yahay Wiilkoodii oo dib ugu soo noqday dalkiisa.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment