Nin reer Somaliland ah oo ay markii labaad dawladda Soomaaliya ku dartay dadka hirgeliyey weerarkii Huteel Jasiira iyo jawaabtiisii hore
Muqdisho, 30 July, 2015-(Himilo)- Dawladda Soomaaliya, ayaa ku sheegtay Cabdirisaaq Muuse Buux oo da’diisu tahay 30 jir oo ka soo jeeda magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal ee Somaliland uu ahaa Ninkii fuliyay Qarax Ismiidaamin ahaa oo loo adeegsaday Gaadhi kuwa Xamuulka ah oo Walxaha Qaraxa laga soo buuxiyay lagu weeraray 26-kii bishan Huteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ee ay ku dhinteen 17 qof, tobaneeyo kalena ay ku dhaawacmeen.
Dadka weerarkan ku dhintay waxa ka mid ahaa 2 Suxufi, halka mid kalana uu ku dhaawacmay. War-Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Qaranka Soomaaliya, ayaa lagu sharraxay Warbixin hor-dhac ah oo ay soo bandhigtay Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya, taasoo lagu sheegay qaabka uu Qaraxaas Ninkaasi u fuliyey, halka uu ku dhashay, waddanka uu ka yimi, meelaha uu soo mara marka uu ku socday Soomaaliya iyo Habtiisa-ba.
Waxa Warkan ka soo baxay dawladda Soomaaliya uu mar kale Kooxda Al-Shabaab inuu xubin ka yahay iyo inuu korka ka hagayey weerarkaas Huteel Jasiira ku eedaysay Cabdinaasir Axmed Buuni oo ay sheegtay inuu ku sugan yahay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ee dalka Somaliland, kaasoo ay hore ugu dartay Soomaaliya 12 qof oo ay Magacyadooda dul-dhigtay Lacag u dhaxaysa boqol Shan boqol oo kun illaa shan boqol oo Doollarka Maraykanka ah ciddii xogtooda oo sugan u gudbisa.
Hase-yeeshee, Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo ah ninka ay dawladda Soomaaliya magacisiisa ugu yeedhay Cabdinaasir Axmed Buuno, ayaa ah Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo Sawirkiisana ay baahisay marka ay ku dartay liiska 12-ka qof ee ay Madaxooda Lacagta dul-dhigtay dabayaaqada bishii Ramadaan oo ku beegnayd 14-kii bishan Julay 2015-ka, waxa uu isaguna 15-kii isla bishan la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da markaas oo uu ku sugnaa magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, waxaanu sheegay inaanu Al-Shabaab iyo Urur kale oo uu ka tirsan yahay midna jirin, warka dawladda Soomaaliya-na been-yahay, Sawirkiisa ay adeegsatayna xad-gudub ku yahay sharaftiisa, karaamadiisa iyo jiritaankiisa, isla markaana uu Maxkamad caalami ah la tiigsan doono ciddii dawladda Soomaaliya ee falkaas kula kacday.
War-Saxaafadeedka qoraalka ah ee shalay ka soo baxay dawladda Soomaaliya ee baadhitaanka hor-dhaca ah ee Qaraxaas Huteel Jasiira laga sameeyey lagu soo koobay, waxa uu u dhignaa sidan:- “Cabdirisaaq Muuse Buux, ina Shukri Faarax, 30 jir, Reer Boorame ah, ku dhashay magaalada Tripoli ee dalka Liibiya, wuxuuna ku noolaa magaalada Born ee dalka Jarmalka. Cabdirisaaq wuxuu soo maray dalka Masar, markii uu dalka dib ugu soo noqonayey sannadkii 2012. C/Risaaq wuxuu ku soo biiray Kooxda UGUS (Al-Shabaab) 2013-kii, iyagoo dad qurbo-joog ahi ay ku soo tashkiiliyeen.
Qaraxan mas’uuliyaddiisa waxaa sheegtay kooxda UGUS (Al-Shabaab), waxaa soo baxaya inay jiraan shaqsiyaad kale oo lahaa abaabulka & fududaynta weerarkaas, waxaana la rumaysanyahay inay ka mid ahaayeen:- Cabdinaasir Axmed Buuni, oo ahaa shaqsiga kor ka hagayey qaraxa ismiidaaminta ah, wuxuuna hadda ku suganyahay magaalada Boorame.
Sidoo kale, waxaa gacan wayn ka geystay fududaynta weerarkaas nin ka mid ahaa Hoggaamiye-kooxeedyada dalka soo marey, oo hadda ka cararey magaalada Muqdisho. Waxaana socota baadhis, dib ayaanan ka soo sheegi doonnaa magaca shaqsigaas & faahfaahin dheeraad ah. Weli waxaa socota baadhis ku saabsan falkaas aragaggixisannimo ee ay soo maleegeen cadawga Nabad-diidka ah ee UGUS, wixii ka soo baxa baadhistaas dib ayaan ka soo sheegi doonnaa.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedkaas.
Hase-yeeshee, Muwaaddinkan reer Somaliland ee Boorama ku sugan ee markii labaad ay dawladda Soomaaliya ku eedaysay inuu Al-Shabaab ka tirsan yahay, isla markaana dusha ka hagayey weerarkaas, ayaan weli ka hadal eedda markii labaad loo soo jeediyey. Balse markii hore ee ay Soomaaliya liiska 12 ka ruux ku soo dartay oo ay sheegtay inuu yahay Sarkaal Al-Shabaab u qaabbilsan soo ururinta Lacagaha Carabaha, Ganacsatada, Hay’adaha iyo Ururrada, wuu iska difaacay eeddaas.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Axmed Xayir (Maareeye) oo wax laga weydiiyey eedaynta Cabdinaasir Buuni uu beeniyey, ayaa markaas sheegay in haddii Kiiskaas lagu waayo ay dawladda Soomaaliya samirsiin siin doonto Muwaaddinkaas iyo ciddii kale ee Al-Shabaabnimo lagu waayaba. Illaa hadda-se lama garanayo xaqiiqada eedaha dawladda Soomaaliya ay Cabdinaasir oo Boorama ku sugan kula xidhiidhinayso Al-Shabaab iyo in dooddiisu jaban tahay toona.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment