Hargeysa July 25, 2015(Himilo)-Mujaahid Xasan Ciise Jaamac madaxwayne ku xigeenkii ugu horeeyay ee Somaliland ayaa ka hadlay shirka saaka mucaaridka Somaliland u furmay Magaalada Hargeysa isaga oo soo dhaweeyay shirkan.
Xasan Ciise Jaamac waxaa uu xukuumada ku dhaliilay diidmada ay kala hortimid shirka isbahaysiga mucaaridka.
“Shir gudoonka, Hogaanka labada xisbi qaran iyo xubnaha shirkan ka soo qayb galay oo dhan waxaan ku tahniyadaynayaa shirkan quruxda badan ee haddii Alle yidhaa khayrka qaba ee ay inoo bilaabeen ee inoo fureen waan ku tahniyadaynayaa, aad iyo aad baad u mahadsan tihiin.Qodobada Ajandaha inoogu jira ka sii hor dhici maayo oo gudo gali maayo, haddii Alle yidhaa wakhti aynu kaga boganno ayaynu u heli doonaa oo aynu ku falanqaynno.” Ayuu Yidhi Xasan Ciise Jaamac
Mujaahid Xasan Ciise waxa uu xukuumada ku sifeeyay xukuumada uu ka dhamaaday samirkii iyo dulqaadku “Eray kaliya uun baan halkan ka sii odhanayaa oo ah Xukumadda maanta Somaliland ka talisa waxaa inagaga filan, inay garan wayday inay sharafta shirkan qaadato, oo ay judhii u horaysay ee la soo hadal qaaday aqbasho oo ay soo dhawayso. Inay intaas garan wayday ayaa inagaga filan. Xukumaddani waxay garan wayday intii Ninkii dhegaha la’aa gartay ee uu yidhi “ Inaan gar daranahay waxaan ku garanayaa dadka oo dhan baa faraha igu soo fiiqaya” Ayuu Yidhi Xasan Ciise Jaamac.
Himilomedia
Hargeysa office
No comments:
Post a Comment