Dalabkii Salaaddiinta, Doodda Mucaaradka iyo Dayaanka Maanta
Hargeysa, 23 July, 2015 (Himilo)- Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa aqbalay Ergo Salaaddiin ah oo isu xil-qaamay dhex-dhexaadinta iyo xal u helidda khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Mucaaradka iyo Xukuumadda ee la xidhiidha dhammaadka xilliga Madaxweynaha, hirgelinta Heshiis hore loo wada-galay iyo muddo-kordhinta Golaha Guurtida, waxaanay UCID iyo WADDANI aqbaleen baajinta Shir wada-tashi Qaran ay ugu yeedheen oo ay muddeeyeen inuu maanta Hargeysa uga furmo.
Kulan Saacado badan qaatay oo socday gelinkii dambe ee shalay illaa xalay kawdii habeennimo, ayaa Salaaddiinta iyo Xubno ka socday Xisbiyada UCID iyo WADDANI ku dhex-maray Guriga Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan ee magaalada Hargeysa, waxaana dood dheer iyo falanqayn laga yeeshay xaaladda taagan iyo Shirka ay Isbahaysiga Mucaaradku ku baaqeen inay qabanayaan oo ay Xukuumadduna sharci-darro ku tilmaantay, isla markaana Ciidammo ka hor-taga u diyaarisay.
Ergada Salaaddiinta ah ee dhex-dhexaadinta bilaabay oo tiradoodu dhameyd toddoba Suldaan waxa hoggaaminayey Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan iyo Suldaan Maxamed Xirsi Qani, halka ay Xubnaha Xisbiyada Mucaaradka ah hoggaaminayeen Musharraxa jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan iyo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed.
Dood dheer iyo falanqayn badan ka dib, waxay Salaaddiintu soo jeediyeen in xisbiyadu ergada ka aqbalaan iyo in Shirkaa ay Xisbiyada Mucaaradka ahi hakiyaan, arrintana ay iyagu Salaaddiin ahaan galaan oo xal la gaadho. Hase-yeeshee, Mucaaradka oo arrinkaas in badan ka werwereegay, waxay markii dambe aqbaleen Ergada Salaaddiinta ah, isla markaana waxa la isla qaatay in ka hor inta aanay saacaddu gaadhin siddeedda subaxnimo ee Khamiista Maanta kulan kale lagu wada yeesho xarunta dhexe ee Xisbiga WADDANI ku leeyahay magaalada Hargeysa.
Kulankaas siddeedda subaxnimo ee saaka ka hor loo ballamay ayey Ergada Salaaddiinta ahi soo jeediyeen inay goob-joog ka ahaadaan Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Musharraxa Madaxweynaha UCID Jamaal Cali Xuseen, maaddaama oo ay iyagu labada Xisbi Mucaarad kala hoggaaminayaan, Guddoomiyihii UCID-na aanu hadda dalka ku sugnayn, Xubnaha Mucaaradkuna way la qaateen.
Inkasta oo ay Ergada Salaaddiintu soo jeediyeen in Shirka ay ku baaqeen Mucaaradku joojiyaan oo ay Ergo ahaan wakhti siiyaan, haddana Xubnaha Mucaaradka ka soctay way ka gaws-adaygeen. Sidaa awgeed, waxa ay Baajinta iyo qabashada Shirka wada-tashiga Qaran ee ay Xisbiyada Mucaaradku ku baaqeen, ku xidhnaan doonaan hadba nooca ay noqoto natiijada ka soo baxda Shirka Salaaddiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada WADDANI iyo UCID ku ballansan yihiin inay isugu yimaaddaan inta ka horreysa siddeedda Subaxnimo ee maanta, iyagoo Shirkaas Xisbiyadu hore ugu muddeeyey inuu Hargeysa ka furmo 23-ka bishan Julay oo Maanta ku beegan, socdana illaa 26-ka bishan.
Magacyada Salaaddiinta Ergaday galay waxay kala yihiin sidan:- 1- Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed, 2- Suldaan Maxamed Xirsi Qani, 3- Suldaan Cismaan Cali Madar, 4- Suldaan Aadan Faarax Cumar, 5- Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, 6 Suldaan Cumar Suldaan Maxamed, 7- Suldaan Cabdiraxmaan Cabdillaahi Furre.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment