Hargeysa, 26 July, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa kulan ballaadhan Qasriga madaxtooyada kula yeeshay Wefti ka socda Dowladda Ingiriiska oo uu hoggaaminayey Wasiirul-dowlaha wasaaradda Khaarajiga iyo Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Ingiriiska u qaabilsan qaaradda Afrika, Grant Shapps oo shalay dalka yimi
Wasiirka Ingiriiska oo ay weheliyaan Safiirka Ingiriiska u fadhiya Magaalada Muqdisho haweenayda lagu magacaabo Harriet Mathews iyo safaariil ka tirsan Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Ingiriiska (DFID), waxa uu la kulmay madaxweynaha Somaliland iyo xubno ka tirsan Golihiisa wasiirrada, waxaanay labada dhinaca ka wada-hadleen arrimo khuseeya Doorashooyinka, Gar-gaarka dowladda Britain ku taageerto Somaliland, ammaanka iyo qodobbo kale.
Intii Kulanku socday, waxa ay labada dhinaca kala saxeexdeen heshiis is-faham oo ku saabsan mashaariic dowladda Ingiriisku ka taageerayso Somaliland oo ka mid ah Sanduuqa Horumarinta Somaliland oo Waddamo Midowga Yurub ka tirsan taageeraan, waxaanay mashaariicda dowladda Ingiriisku ku taageerayso Somaliland ka mid ah biyo-ballaadhinta Hargeysa iyo hirgelinta Tamarta laga dhaliyo korontada.
In kasta oo saxaafaddu dibad-joog ka ahayd Kulanka dhexmaray madaxda labada waddanka, waxa markii shirkaasi soo idlaaday si-wadajir ah ula hadlay warbaahinta Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirul-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Waaxda Gar-gaarka Caalamiga ah ee Ingiriiska u qaabilsan Afrika Grant Shapps.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo ugu horeyn ka hadlay shirka jaraa’id, waxa uu sheegay inay dowladda Ingiriiska ka wada-hadleen dhinaca horumarinta, ammaanka iyo sidii loo sii anba-qaadi lahaa wada-hadallada hakadka galay ee Soomaaliya iyo Somaliland.
“Waxaanu ka wada-hadalnay waxa ka mid ah Sanduuqa Horumarinta Somaliland iyo mashaariicda badan ee dowladda Ingiriisku ina siiso. Waxa kale oo aanu ka wada-hadalnay sidii loo bilaabi lahaa wada-hadallada (Somaliland iyo Soomaaliya) sidii dowladda Ingiriiska iyo dowladaha caalamku noo dhex-gali lahaayeen. Waxa kale oonu ka wada-hadalnay Arrimaha Doorashooyinka,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.
Sidoo kale, Wasiirul-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Barnaamijka Gar-gaarka Caalamiga ah ee Ingiriiska u qaabilsan Afrika, Grant Shapps, oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaanu wada-yeellanay wada-hadallo midho-dhal ah oo ku saabsan arrimo badan oo kala duwan. Laakiin, waxa aad I farxad galiyey inaan Somaliland yimaaddo maxaa yeelay, waa waddan aan ku bartay waxbarashada Dugsiga markii aay carruurta ahaa.
Sidaa awgeed, aniga iyo asxaabtayda I wehelinaysa ee DFI waxaanu madaxweynaha iyo wasiirrada kala hadalnay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhkaygaga soo-jireenka ah ee aanu sida gaarka ah u wadaagno, fursad weyn bay noo ahayd inaanu la kulanno madaxweynaha oo ka wada-hadalno arrimo muhiimad u leh labada waddan, sida Ganacsiga, Ammaanka, Tamarta iyo dabcan heshiiska is-af-garad ee aanu wada-saxeexnay. Waxaasi oo dhami way muujinayaan iskaashiga sii xoogaysanaya iyo xidhiidhkeenna taariikhiga ah,” Sidaas ayuu yidhi Mr Shapps oo socdaalkiisu noqonayo markii u horeysay ee u ku yimaaddo Somaliland, tan iyo markii xilkaas loo magacaabay horaantii sannadkan.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment