Tuesday, July 28, 2015

Madaxweyne Siilaanyo Muxuu kala hadlay Ciidammada Qaranka ee Jiidda hore ee gobolka Sool ku sugan oo uu booqday?

Madaxweyne Siilaanyo Muxuu kala hadlay Ciidammada Qaranka ee Jiidda hore ee gobolka Sool ku sugan oo uu booqday?
“Horumarka Laascaanood iyo horumarka gobollada dalka oo dhan iyo waxaannu qaban karno inaannu wax ka qabanno waa waxaannu dawladda u nahay ee aan Madaxweynaha u ahay…” Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
“Maanta (Shalay) waa 27-ka bisha Julay, waxay ku beegan tahay shan sanno ka hor maalintii Madaxweynaha xilka loo dhaariyey ee uu tirsaday, shantaa sanno inuu ku soo khatimo Laascaanood buu u doortay…” Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Laascaanood, 28 July, 2015-(Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Axaddii Hargeysa ka ambabaxay, ayaa shalay gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaasoo uu dadweynaha reer Laascaanood ee soo dhaweeyey kula hadlay, isla markaana kormeeray waddooyin cusub oo laga dhisay magaaladaas, kuwo kalena dhagax-dhigay.
Madaxweynaha iyo Weftigiisa waxa si diirran duleedka Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ku soo dhaweeyey Masuuliyiinta degmadaas, Maamulka gobolka Sool, Wasiirro iyo Xildhibaanno deegaankaas ka soo jeeda iyo dadweynaha reer Laascaanood, iyagoo Masuuliyiintaas ay ka mid ahaayeen Wasiirka Hawlaha guud, guryeynta iyo Gaadiidka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax iyo Xubno kale.
Wasiirro kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrada arrimaha gudaha, Madaxtooyada, Caafimaadka iyo kuwo kale, ayaa halkaas ka hadlay oo sheegay in horumar ka muuqdo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isla markaana ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka go’an tahay horumarinta gobollada Bariga, gaar ahaan Sool, halka hadda la marayana ay ka sii badin doonaan dedaallada wax qabad ee ay Xukuumaddu waddo.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay sababta uu Madaxweynuhu Laascaanood inuu tego shalay u doortay, waxaanu yidhi; “Maanta (Shalay) waa 27-ka bisha Julay, waxay ku beegan tahay shan sanno ka hor maalintii Madaxweynaha xilka loo dhaariyey ee uu tirsaday, shantaa sanno inuu ku soo khatimo Laascaanood buu u doortay, oo haddii marka hore Galbeedka horumarku ku badnaa muddadan dambe ee la kordhiyey uu Bariga horumarku ku bato.”
Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, isla markaana sheegay inay maanta reer Laascaanood haystaan wax ay ku faani karaan, waxaanu yidhi; “Maanta waxaannu haysannaa Madaxweyne waxaannu ku faani karno, ninkii wax u qabtay Laascaanood ha sheegto, waxaannu ku soo dhawaynaynaa bal illaa lixdankii Ninka Dhulbahante ee Laascaanood wax u qabtay wixii uu u qabtay ha sheegto.”
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo markii uu dhegaystay hadallada Madaxda iyo dadweynaha reer Laascaanood iyo sidoo kale Wasiirka Madaxtooyada oo waddooyinka laga hirgeliyey magaaladaas warbixin ka siiyey, ka dib ayuu halkaas ka hadlay Madaxweynuhu, waxaanu yidhi; “Aad baan idiinkaga mahadnaqayaa haddaad tihiin reer Laascaanood, Garaaddada, Odayaasha, Dadweynaha sida qiimaha leh ee aad noo soo dhawayseen, waana sidii caadada iyo dhaqanka idiin ahayd ixtiraamka iyo qaddarinta aad noo muujiseen.”
Waxa uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo sheegay inay Xukuumaddiisu wax ka qaban doonto tabashooyinka dadka reer Laascaanood, isagoo sharraxay ujeeddada Safarkan uu ku marayo gobollada dalka qaar ee uu shalay Laascaanood ku gaadhay, waxaanu yidhi; “Midda labaad waannu idin dhegaysannay, dalkan waxaannu u maraynay baahiyaha aad sheegateen, talooyinka aad soo jeediseen, waxyaabaha aad tabateen iyo waxyaabaha aad ku faanteen, intaba waannu qaadannay, dalka waxaannu u maraynaa waa inaannu xog-ogaal u noqonno dadkayaga iyo dalkayagu waxa ku sugan yihiin, waxay talo iyo aaraah hayaan, immikana waan idin dhegaysannay, waana qorannay, waxaanan idinka ballan-qaadayaa inaan derisno, wixii aannu wax ka qaban karnana aannu wax ka qabanno.”
“Waxaannu dalka u maraynaa waxa weeye inaannu dadkayaga ka dhegaysanno waxay qabaan, waxay aaraah hayaan, waxay talo Qaranka u hayaan iyo ta ay gobolkooda u hayaanba. Ballan waxaan idiinka qaaday inaannu waxaa dersayno. Waxaannu dalka u maraynaa waa waxa aan dawladda u nahay, Horumarka Laascaanood iyo horumarka gobollada dalka oo dhan iyo waxaannu qaban karno inaannu wax ka qabanno waa waxaannu dawladda u nahay ee aan Madaxweynaha u ahay.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Madaxweynaha Somaliland oo Socod lug ah ku dhex-maray magaalada Laascaanood kulanka Bulshada magaaladaas ku dhex-maray Huteel Xamdi ee Laascaanood, ka dib waxa uu u sii gudbay dhinaca Fadhiisimmada Ciidammada Qaranka Somaliland ee jiidaha hore ee gobolka Sool ku sugan, waxaanu kormeeray Saldhigyo dhawra oo aanu Safarradiisii hore ku gaadhin sida qoraal Madaxtooyadu soo dirtay lagu sheegay, kaasoo aan lagu magacaabin goobaha Saldhigyadaasi ku yaallaan ee uu gaadhay Madaxweynuhu, waxaanu Ciidammada u jeediyey Khudbad uu kaga hadlay doorka Ciidammadu dawladnimada iyo Jiritaanka Qarannimo ku leeyihiin, isagoo ku ammaanay Millaterigu xaaladaha ay dalkooda iyo dadkooda dartood ugu dhabar-adaygeen ee ay Fadhiisimmada Jiidda hore ugu sugan yihiin iyo sida ay Cadawga ugaga dayran yihiin dalkooda iyo dadkooda.
Waxaanu ku hambalyeeyey dedaalka iyo dhabar adayga ay qarankooda la barbar joogaan habeen iyo maalinba, safarkan madaxweynaha ayaa noqonaaya kii saddexaad intii uu talada dalka yahay uu ku soo kormeero ciidamada jiida hore oo iyagu nasiib u yeeshay inay mar walba farxad ku qaabilaan madaxweynahoodii oo dhex jooga ciidamada dhiirigelinaayana.
Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga uu hoggaaminayo oo Axaddii dorraad ka ambabaxay magaalada Hargeysa, ayaa habeen-hore u hoyday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo uu gelinkii hore ee shalay ka ambabaxay, isla markaana mar labaad xalay dib ugu soo laabtay oo uu u hayday Burco, halkaas oo la filayo inuu Salaasada Maanta ka sii ambabaxo, Safarkiisanna ku gaadho magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, halkaasoo uu sidoo kale dadweynaha kula hadli doono, kana furi doono mashaariic horumarineed iyo dhismayaal ay Xukuumaddu ka hirgelisay.

 

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment