Hargeysa, 26 July, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadlay hankiisa murashaxnimo ee gudaha Xisbiga oo ay ku loolamayaan siyaasiyiin kale oo danaynaya inay u tartamaan.
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in madaxweyne Siilaanyo yahay murashaxa kaliya ee xisbi ahaan u metalaya tartanka doorashooyinka, hanka siyaasadeed ee qof kasta oo damacsan inuu isu taago murashaxnimada madaxweynaha ee Kulmiyena ku xidhan tahay go’aanka madaxweyne Siilaanyo ka qaato inuu ka tanaasulo iyo mar kale inuu isu-taago tartanka madaxweynaha.
“Annagu intaanu ognahay madaxweynaha, ayaa noo sharraxan, arrintayada hore ayaanu u dhammaysannay, sannadkan waxaanu u daynay madaxweynaha, isagaa sharraxan, madaxweynuhu markuu go’aan gaadho, waan hawl-gabayaa, isagay u taalaa hadduu sidaas yidhaahdo, taas markaasaanu ka wada-hadlayna, hadduu yidhaahdo waan is-sharraxayaan isagaanu dhisaynaa,” Sidaas waxa yidhi Gudodomiyaha Xisbiga Kulmiye oo telefishanka HCTV weydiiyey su’aal nuxurkeedu ahaa inuu yahay murashax u taagan tartanka madaxtinimada ee Xisbiga Kulmiye haddii Madaxweyne Siilaanyo ka tanaasulo murashaxnimadiisa.
Muuse Biixi oo la weydiiyey wakhti uu qabsoomayo shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, ayaa gebi ahaanba ka gaabsaday muddeynta wakhtiga loo qorsheeyey shirkaas, isagoo ku gaabsaday in shirkaasi qabsoomay xilliga munaasibadka ku ah ee ay u gartaan.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment