Thursday, July 30, 2015

Nuxurka Go’aamo ay qodobbo ka mida ku dalbaanayaan Faro-gelin Shisheeye oo ka soo baxay Shirkii Mucaaradka iyo Jawaabta Xukuumadda

Hargeysa, 30 July, 2015 (Himilo)- Shir Xisbiyada Mucaaradka magaalada Hargeysa ugu soo gebo-gaboobay horaantii todobaadkan, ayaa Arbacadii shalay laga soo saaray war-murtiyeed lagu faafiyey go’aamo ka kooban lix qodob ooo oo dhammaantood ka hadlaya doorashooyinka iyo muddo-kordhinta loo sameeyey xukuumadda.

Go’aamada lixda ah ee Xisbiyada mucaaradku oo saareen shalay ku lifaaqnaa war-murtiyeedka ay wada-jir ugu saxeexan yihiin Guddoomiyeyaasha labada xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani oo lagu shaaciyey natiijada shirka mucaaradka, ayaa shan ka mid ah lagaga hadlay dib-u-dhaca doorashooyinka, halka qodobka lixaad lagaga hadlay qadiyadda madax-bannaanida Somaliland iyo xoojinta nabadgelyada dalka.

Qodobka ugu horreeya ee go’aamadan ayaa si gaar ah uga hadlaya madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo oo loogu baaqay inuu u hoggaansamo isla markaana fuliyo heshiis is-afgarad oo laga gaadhay xilliga doorashada, kaas oo dhexmaray saddexda Xisbi Qaran iyo Xukuumadda,halka qodobka labaad ee go’aamadan lagu sheegay in madaxweynuhu ka badheedhay dib-u-dhaca doorashada iyo muddo-kordhinta loo sameeyey haddii uu fulin waayo heshiiskii dhexmaray Xisbiyada iyo xukuumadda.

Lixda Qodob ee go’aamada ka soo baxay Shirka Mucaaradka, ayaa dhammaantood  si gaar ah u taabanaya ugana hadlaya doorashooyinka, marka laga reebo qodobka lixaad ee go’aamadan oo lagu xoojiyey ilaalinta nabadgelyada iyo Qadiyadda madax-bannaanida Somaliland.

Go’aamada ka soo baxay shirka mucaaradka, ayaa u qornaa sidan:-

  1. In Madaxweynuhu sida ugu dhakhsaha badan u fuliyo heshiiskii saddexda xisbi qaran ku heshiiyeen ee gogoshii madaxweynuhu fidiyay 26, May, 2015.

  2. Haddii madaxweynuhu fulin waayo heshiiskaas, waxaa muuqata inaanu madaxweynuhu rabin inay dalka ka dhacaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah. Waxaa lagama maarmaan ah in aanu dalbanno in beesha caalamku na soo dhexgasho.

  3. Waxay labada xisbi go’aansadeen, in aanay aqbali doonin waxaan ahayn wakhtigii saddexda xisbi iyo xukumaddu isla qaateen ee ahaa December, 2015. Haddii xukumaddu fulin waydo heshiiskaas waxay labada xisbi ku noqon doonaan wakhtigii komishanka doorashadu cayimay ee ahaa in doorashada la qabto June, 01,2016.

  4. Inaanu go’aanka guurtidu waafaqsanayn dastuurka iyo sharciga Somaliland, sababtoo ah ma jiraan shuruudaha ku xusan qodobka 42-aad, farqadiisa 5-aad ee dastuurka ee sheegaya duruufaha doorashada dib u dhigaya. Inaanay guurtidu xaq u lahayn laalista wakhtiga komishanku cayimay, islamarkaana aanay xaq dastuuri ah guurtidu u lahayn cayimaada doorashada.

  5. Anagoo ka duulayna dhammaadka muddo-xileedka madaxweynaha iyo golaha wakiillada, iyo go’aankii maxakamadda sare soo saartay ee ay ku amraysay in si degdeg ah loo soo afjaro khilaafka wakhtiga doorashada, waxaanu diyaar u nahay fulinta amarka maxkamadda.

  6. Shirku wuxuu go’aamiyay in nabadda, xasiloonida iyo jiritaanka madaxbannaanida Somaliland tahay muqaddas.” Sidaas ayaa lagu sheegay go’aamada ka soo baxay shirkii mucaaradka oo ku lifaaqnaa war-murtiyeed lagu soo taxay gal-daloolooyinka xukuumadda iyo talooyin la xidhiidha ku-dhaqanka shuruucda dalka.


Dhinaca kale, waxa go’aamada ka soo baxay shirka mucaaradka ka dareen-celiyey wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr Cabdi Aw-Daahir oo qodobbo ka tirsan go’aamadaas ku tilmaamay inay ka horimanayaan qaraar dhowaan ka soo baxay Maxkamadda Sare ee dalka, qaraarkaas oo maxkamaddu ugu baaqday dhinacyada khilaafka doorashooyinku u dhexeeya inay sida ugu dhakhsaha badan u soo af-jaraan xurgufta isla markaana la dhiirrigeliyo jewi suurto-galinaya in dalka laga qabto doorashooyin wakhtiga lagu heshiiyo inay dalka ka qaboomaan.

Wasiir Cabdi Aw-Daahir oo shalay qoraal kooban oo uu arrintan kaga hadlayo ku baahiyey boggiisa Facebook, waxa uu yidhi, “Go’aanka Axsaabtu wuxuu Liddi ku yahay Go’aankii Maxkamadda Dastuuriga, waayo Hay’adaha Caalamigu maaha Gole Sharci ee waa Caawiyayaal.  Waxaan akhriyay go’aamada ka Soo baxay Shirkii xisbiyada. Marka laga tago qodobbada tororogta u badan iyo qodobka afraad oo ah mid ay axsaabtu Ku xad-gudubtay qodob Dustuuri ah. Waxaanu isla oggolayn sida heshiiska Ku qoran:

  1. In la ixtiraamo go’aankii Guurtida

  2. In axsaabtu Ka heshiiyeen waqtiga Doorashada


Haddaba, Madaxweynuhu wuxuu Ku dhawaaqay in waxaynu ku heshiinay laga ansixiyo golaha Baarlamaanka (GUURTIDA),  halka ay axsaabtu qodobka shirkooda uu NUXURKA ahaa arrinkii aan Ku heshiinay aan dawlado kale u bandhigno. Maaha mid suuragal ah, waxtar ah, sharcigana waafaqsan.”

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment