Laascaanood July 27, 2015(Himilo)-Wefti Balaadhan oo uu hogaaminayo madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa saaka safar aan la shaacin ku tagay magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood.
Weftiga madaxwaynaha waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay duleedka magaalada laascanood iyadoo ay soo dhaweyntiisa ka qayb qaateen Wasiirka hawlaha Guud,Guddoomiye ku xigeenka Wakiilada maamulka Iyo shacabka ku dhaqan Magaalada Laascaanood.
Markii soo dhaweynta madaxwaynuhu dhamaatay ayaa waftigani waxaa ay dhagax dhigeen mashaariic iyo wadooyin laga hirgalinayo magaalada Laascaanood.
Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali ayaa madaxwaynaha uga xogwaramay mashaariicda iyo wadooyinka ka socda gobolka sool “Sidii balantu ahayd in aynu kala shaqayno dawladaha hoose,shan wado ayaynu maanta saddex kamida dhaxdhigaynaa laba wado oo horena soconayeen, markaa shantaa wado waxaanu ugu talo galnay sidii qorshuhu ahaa in la fuliyo magaalada”Ayuu Yidhi Wasiir Xirsi.
Waxaa isna dhinaciisa mahadnaq balaadhan iyo waxtarka wadooyinkani u leeyihiin magaalada Laascaanood ka hadlay madaxwayne Siilaanyo “Waxtar wayn ayaan rajeynayaa inay u yeelato magaalada iyo dalkaba, insha alah ilaahayna inagu guuleeyo aad iyo aad ayaan u rajeynayaa in Ilaahay inagu guuleeyo”Ayuu Yidhi Madaxwayne Siilaanyo.
Waftigan uu hogaaminayo madaxwayne Siilaanyo waxaa ay kulan la qaateen qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada laascaanood Garaadada,Maamulka Heer Gobol iyo heer degmo ee gobolka sool isagoo madaxwayne Siilaanyo dhageystay baahida iyo hawlaha uu ku sugan yahay Gobolka Sool.
Garaadada Maamulka Heer gobol, degmo iyo shacabka ayaa madaxwaynaha ugu hambalyeeyay sida wanaagsan ee uu dalka u hogaaminayo iyagoo ku amaanay waxqabadka la taaban karo ee uu ka wado gobolka sool.
Wasiirka arimaha Gudaha,Warfaafinta iyo hawlaha guud oo iyaguna ka hadlay kulan uu waftiga madaxwaynuhu la yeeshay bulshada Magaalada Laascaanood ayaa uga mahadceliyay soo dhaweynta ay ku qaabileen waftiga madaxwaynaha iyo sida ay u ilaashadaan nabada.
Gabagabadii madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa shacab u balanqaaday in wax badan ka qaban doonaan baahiyaha ay uga xog warameen isagoo ku bogaadiyay sida nabada iyo horumarka leh ee ay uga wada shaqaynayaan maamulka iyo shacabka gobolka Sool.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment