Thursday, July 30, 2015
UCID & Waddani oo war-murtiyeed ku soo koobay Dhaliilo iyo Talo-bixin is-barkan oo Xukuumadda Kulmiye & xaaladda dalka ku wejahan
Xisbiyada Mucaaradka oo ku taliyey in Dib-u-eegis lagu sameeyo Qodobbo Dastuurka ku jira oo khilaafaadka Siyaasadeed ee jira u nisbeeyey
Hargeysa, 30 June, 2015 (Himilo)- Xisbiyada Mucaaradka Somaliland, ayaa ku taliyey dib-u-eegis lagu sameeyo qodobbo ku jira Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan xeerarka ku saabsan Doorashooyinka iyo muddo-kordhinta loo sameeyo goleyaasha Qaranka, iyagoo ku dooday inay qodobbadaasi qayb ka yihiin khilaafaadka siyaasadeed ee xilligan dalka ka jira si looga gudbo murannada siyaasadeed ee arrimaha doorashooyinka ku saabsan.
War-murtiyeed shalay laga soo saaray shir muddo saddex maalmood ah socday oo xisbiyada mucaaradka ah ugu qabsoomay magaalada Hargeysa todobaadkan, ayaa ka sokow go’aamo lix qodob ka kooban oo nuxurka war-murtiyeedku isugu biyo-shubanayey, waxa lagu faafiyey natiijada arrimo lagaga dooday muddadii shirku socday isal markaana laysla gartay in laga hadlay, kuwaas oo isugu jira gal-daloolooyin ka jira adeegyada bulshada ee xukuumaddu u qabato bulshada iyo sidoo kale talo-soo jeedin ku saabsan sidii looga gudbi lahaa caqabado ku gedaaman habsami u socodka xil-gudashada hay’adaha xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, gaar ahaan dhinacyada Garsoorka, Ku-dhaqanka Shuruucda, ammaanka, Dhaqaalaha, siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo qodobbo kale.
Qodobbada xisbiyada mucaaradku kaga hadleen war-murtiyeedka oo nuxurkooda aanu idiin soo koobnay, ayaa kala ah:-
Caddaaladda iyo Garsoorka
Mucaaradku waxa ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyeen inay sifo sharci-darro ah u marto xadhigga madax-dhaqameedka, suxufiyiinta iyo siyaasiyiinta iyadoon qofka muwaadinka laga duudsiyo xuquuqdii uu lahaa ka helo hay’adaha Garsoorka. “Waxa kor u kacay Awood-sheegashadii xukuumadda, waxa kordhay Xadhigga aan sharciga loo marin iyo in muwaadiniin aan gacanta kula jirin fal-dambiyeed waqti habeenimo ah lala baxo ama rasaas lala dhaco iyaga iyo carruurtooda. Sidaa darteed, waxa labada xisbi soo jeedinayaan in la dhowro madax-bannaanida dastuurku siiyey Garsoorka si loo helo caddaalad loo siman yahay,” sidaas ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka.
Ku-dhaqanka Dastuurka iyo Sharciga
Waxa war-murtiyeedka lagu sheegay in xukuumaddu baal-martay ku-dhaqanka shuruucda, taas oo ay tusaale ugu soo qaateen dib-u-dhacyada doorashooyinka oo ay ku tilmaameen inay markhaati ka tahay ku-tumashada xuquuqda muwaadin kastaa u leeyahay inay doortaan cidii meteli lahayd. Waxa kale oo qodobkan lagu soo qaatay in sifo sharci-darro ah xabsiga loogu taxaabo suxufiyiin, madax-dhaqameed, siyaasiyiin iyo xildhibaanno aan dambi faraha kula jirin oo maxkamad la’aan layska xidho.
Sida ku xusan war-murtiyeedka xibiyada mucaaradka, waxa kale oo eedaymaha ay xukuumadda ugu jeediyeen ku-dhaqan la’aanta Shuruucda dalka ku sheegeen inay markhaati ka tahay in hay’adaha ammaanka loo adeegsado sifooyin baalmarsan shuruucda ay u dhisan yihiin.
Amniga iyo Nabadgelyada
Qodobka saddexaad ee war-murtiyeedka oo mucaaradku kaga hadleen nabad-gelyada, waxa ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyeen inay tahay xukuumaddii liidatay ilaalinta ammaanka dalka, iyagoo sheegay in fal-dambiyeedyadii ugu badnaa ee waxyeello u geysta xaaladda nabadgelyo ee dalku ay dhaceen muddadii xukuumadda Kulmiye talada dalka haysay. Waxa kale oo ay mucaaradku ku dhaliileen xukuumadda madaxweyne Siilaanyo in iska-horimaadyadii ugu tirada badnaa ee dhinaca beeluhu ay dhaceen intii lagu gudo-jiray muddo-xileedka Shanta Sanno ah ee Xukuumadda Xisbiga Kulmiye talada dalka hoggaaminaysay, iyagoo taas ku daliishaday shaqaaqoyin beelo u dhexmaray deegaanno ka tirsan gobollada Togdheer iyo Buuhoodle.
Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo Qadiyadda Somaliland
“Waxa si laxaad leh hoos ugu dhacay magac-samidii, karaamadii, sharaftii iyo rejadii ay Somaliland ka lahayd bulshada Caalamka muddadii ay xukuumadda Kulmye talada dalka haysey, waxaanaynu luminay saaxiibbo badan oo u ololeyn jiray qadiyadda Ictiraafka Somaliland,” Sidaas waxa lagu sheegay qodobka 4aad ee war-murtiyeedka ka soo baxay shirkii mucaaradka oo lagu soo bandhigay dhaliilo xukuumadda xibsiga Kulmiye loogu jeediyey inay ku fashilan tay siyaasadda Arrimaha Dibadda, iyagoo sheegay in xidhmeen xafiisyo dibloomaasiyadeed oo Somaliland ku lahayd dalalka adduunka ka hor muddo-xileedka xukuumadda Kulmiye. “Waxa hoos u dhacay kalsoonidii wada-shaqayneed ee Somaliland la lahayd beesha Caalamka iyo waddamada Deriska ah, waxayna siyaasaddii Arrimaha Dibadda ku soo koobtay wada-hadallada madhalayska ah ee Soomaaliya oo xaqiiqo ahaan fashilmay, isla markaana ku soo koobmay heshiisyo salka ku haya dano ganacsi,” Sidaas ayaa lagu sheegay dhaliilaha mucaaradku ku dureen siyaasadda Arrimaha Dibadda xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.
Waxa ay xibsiyada mucaaradku kula taliyeen xukuumadda inay ka hawl-gasho sidii loo kasban lahaa kalsoonida beesha Caalamka, heshiisyada caalamiga ah ee ay gashayna u horgeyn lahayd Golaha Wakiillada Somaliland.
Arrimaha Dhaqaalaha
Waxa war-murtiyeedka lagu sheegay in sicir-bararka lacagaha qalaad iyo maceeshadda ay sabab u tahay waxa ay ku tilmaameen siyaasad-xumo dhinaca miisaaniyadda ka haysata xukuumadda Kulmiye oo ay ku eedeeyeen inay ku fashilantay qorsheynta miisaaniyadda ee hay’adaha dowladda iyo inay mudnaanta siiso sida ay u kala baahi badan yihiin, una kala muhiimsan yihiin hay’adaha dowladda.
waxa kale oo ay ku eedeeyeen xukuumadda madaxweyne Siilaanyo inay fadhiid shaqadii loogu talo-galay aan sideeda u gudanin ka dhigtay hay’adaha daba-galka musuq-maasuqa ee dowladda, iyagoo sheegay inay taasi sababtay boob iyo hanta-lunsi aan xad lahayn oo hay’adaha dowladda regaadiyey.
Arrimaha Doorashooyinka
Xisbiyada Mucaaradku waxa ay talooyin ka dhiibteen hirgelinta geedi-socodka doorashooyinka, iyagoo ku taliyey in xukuumad, mucaaradk iyo shacab-ba laga wada qayb-qaato diiwaangelinta codbixiyeyaasha, isla markaana ay xukuumaddu hawl iyo kharash-ba u hagar baxdo hirgelinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Waxa kale oo mucaaradku soo jeediyeen in la dhammeystiro shuruucda muhiimka ah ee doorashooyinka. waxa kale oo qodobka doorashooyinka ee war-murtiyeedka mucaaradku lagu soo jeediyey dib-u-eegis lagu sameeyo xeerka doorashada Golaha Wakiillada iyo qodobbo Dastuurka ka mid ah oo khuseeya doorashooyinka iyo muddo-kordhinta. “In Mustaqbalka dambe la derso qodobbada dastuurka ee khuseeya doorashooyinka Madaxtooyada, Golaha Wakiillada, Goleyaasha Deegaanka iyo Muddo-kordhinta, isla markaana la sameeyo soo-jeedimo dhaxal-gal ah, si loo daweeyo gal-daloolooyinka dabarka ah ee aan waxba laga qaban karanaynin haddii aan dastuurka dib loo eegin.” Sidaas waxa lagu sheegay talo-bixin iyo soo jeedimo ku saabsan doorashooyinka oo mucaaradku u shaaciyeen war-murtiyeed qodobaysan oo ka soo baxay gunaanadka shir saddexdii maalmood ee ugu horreeyey todobaadkan ugu qabsoomay magaalada Hargeysa.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment