Thursday, July 23, 2015

Madax-dhaqameed Baajiyey Shirka Mucaaradku ku baaqeen oo maanta ku muddeysnaa, Go’aanka Axsaabta iyo Xukuumadda oo mar kale u hanjabtay

“Waanu idinka qabanaynaa umadda haddaad cagaha dhigi weydaan oo sheydaanka iska naari weydaan…nin kasta oo isku daya inuu nabadgelyo-xumo sameeyo, ballan Alle gurigiisa ayaanu ugu galaynaa, markaa waxaan leeyahay hanakalifina….” – Badhasaabka Gobolka Maroodijeex


“Waxay gawaadhi ka soo buuxiyeen ciidan fara-badan, waxaanay galaa-wareegayeen magaalada Hargeysa iyagoo aad moodaysay inay yihiin Jabhad dalka qabsatay…” – Jamaal Cali Xuseen


Hargeysa, 23 July, 2015 (Himilo)- Madax-dhaqameed Iskood Isu-xilqaamay, ayaa baajiyey Shir talo-qaran oo Isbahaysiga Mucaaradku Salaasadii dorraad shaaciyeen inay qabsanayaan 23-ka bisha July oo Khamiista Maanta ku muddeysnaa, kaddib markii kulamo ay shalay madaxda Xisbiyada la qaateen kaga codsadeen in muddo hal maalin ah fursad loo siiyo dedaallo ay dhex-dhexaadin kaga dhex-wadaan xukuumadda iyo mucaaradka.
Ma jiro War rasmi ah oo ka soo baxay kulamada dhexmaray madax-dhaqameedka iyo madaxda Xisbiyada mucaaradka, haseyeeshee ilo-wareedyo Wargeyska Himilo ka helay xisbiyada mucaaradka, ayaa sheegay in Mucaaradku ergayada madax-dhaqameedka oo ka kooban dhowr iyo toban ka aqbaleen codsigooda isla markaana ay maalinta Berri ee Jimcaha dib ugu dhigeen shirkooda wada-tashi.
Sidoo kale, warku waxa uu intaas ku daray in madax-dhaqameedku ay dhinaca kale kulamo la qaateen dhinaca xukuumadda, maanta oo Khamiis ahna loo ballansan yahay dhammaystirka dedaallada ay madax-dhaqameedku xalka ugu raadinayaan.khilaafka siyaasadeed ee xisbiga mucaaradka iyo Xukuumadda u dhexeeya.
Sida ay Himilo u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, dhinaca kale, xisbiyada mucaaradka iyo siyaasiiyiinta madasha wada-tashiga, ayaa xalay kulamo gooni-gooni ah kaga arrinsanayey sidii ay u wajahi lahaayeen dedaallada dhex-dhexaadineed ee ergayada madax-dhaqameedka ahi ka dhex-wadaan iyaga iyo xukuumadda.
Dhanka kale, hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka oo shalay war-baahinta la hadlay, ayaa ku adkaystay inay qabsanayaan isla markaana ay xaq u leeyihiin oo dastuurka dalku xaq u siiyey inay qabsadaan shirar ay danahooda siyaasadeed kaga arrinsadaan.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo shalay war-fidiyeennada kula hadlay barxadda hore ee Maxkamadda Sare oo ay u gudbiyeen ashkato ka dhan amarro xukuumaddu ku horjoogsatay shirkooda talo-qaran, ayaa sheegay in sharciga dalku u banneeyey xisbiyada Mucaaradka ah inay isu-abaabulaan shirar ay danta Qaranka iyo Arrimahooda siyaasadeed kaga hadlaaan, isla markaana ay maanta oo bisha July tahay 23 qabsanayaan shirka oo ay sheegeen inuu waafaqsan yahay shuruucda dalka.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo arrintan ka hadlay, ayaa yidhi, “Shirarkaasi waa shirar waafaqsan shuruucda iyo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, wixii dastuurka waafaqsanna cid is-hortaagi kartaa ma jirto, xuquuqdaas dastuurka ayaa siiyey Axsaabta. Waxaanu shacbiga u sheegaynaa taladaas iyo shirkaa inay culimadu qayb ka tahay, in ururrada bulshadu qayb ka yihiin, in dhalinyaradu qayb ka tahay, in haweenku qayb ka yihiin, waa shir wada-tashi. Sharciga ayaanu ku soconaynaa, sharcigaanu ku dhaqmaynaa, waanu shiraynaa, shirkiina wuu qabsoomayaa.”
Jamaal Cali Xuseen, ayaa dhaliilay qaabka xukuumaddu uga jawaab-celisay iclaaminta shirka ay mucaarad ahaan ku baaqeen, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay markii u horeysay taariikhda Somaliland ee Xisbiyada mucaaradka ah cago-juglayn lagula kaco.
“Saddexda xisbi qaran xilalbaa la kala siiyey. Midi waa xisbiga ku guulaysta talada qaranka, laba xisbi mucaarad ee kale waxa awood loo siiyey inay xukunka ku ilaaliyaan xisbiga talada loo dhiibay. Maanta halka dalkeenu marayo, waa markii u horeysay taariikhdeena ee labada xisbi mucaarad layidhi ma tashan kartaan oo ma shiri kartaan,” sidaas ayuu yidhi Jamaal.
Isaga oo hadalkiisa wata, waxa uu yidhi, “Xalay (habeen hore) xukuumaddu iyadoo isku laba rogaysa, hadday tahay wasiirradeeda iyo hadday yihiin taliyeyaasha ciidamada, waxay gawaadhi ka soo buuxiyeen ciidan fara-badan, waxaanay galaa-wareegayeen magaalada Hargeysa iyagoo aad moodaysay inay yihiin Jabhad dalka qabsatay, waar annagu dalka khal-khal gelin mayno, ciidan ma wadanno, qori ma haysanno, wixii dastuurku awood noo siiyey ayaanu samaynaynaa.”
Haseyeeshee, waxa si adag uga hanjabay Xisbiyada mucaaradka Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Maxamed Maxamuud Cumar-jeeni oo shalay warfidiyeennada kula hadlay xafiiskiisa, waxaanu yidhi, “Annagu gobolkii Maroodijeex banu nahay, caasimadda dalka weeyaan halkani, cid kasta oo isku dayda inay nabadgelyo xumo samaysa, dee gurigooda ayaanu ugu galaynaa, shacabkani uma baahna cid dib u celisa oo tidhaahda waanu duminayna. Hadduunu gobolka Maroodijeex nahay waxaanu ballan-qaadaynaa Odayaashaasi waxay ku hadleen haddaanay ka waantoobin, yaanay naga cabanin. Caruurihiina dibadda ayay joogaan intiina badan, ma waxaad doonaysaan inaad carruuraha dadka nabadgelyada kaga ciyaartaan? Waanu idinka qabanaynaa umadda haddaad cagaha dhigi weydaan oo sheydaanka iska naari weydaan, cid odhanaysa dawladnimadaanu burburinaynaa, ma suuroobayso, nin kasta oo isku daya inuu nabadgelyo-xumo sameeyo, ballan Alle gurigiisa ayaanu ugu galaynaa, markaa waxaan leeyahay hanakalifina.”
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Is-gaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa jawaab ka bixiyey go’aanka Xisbiyada Mucaaradka ku shaaciyeen shirka ay ugu yeedheen Talo-qaran, kaas oo uu ku tilmaamay mid lagu waxyeellaynayo midnimada iyo wax-wada lahaanshaha Shacabka Somaliland.
“Arrimaha aynu ka maqlayno iyo waxa la qabanayaa shir-qarameed, dowladi ma jirayso, wakhtigii dowladdu wuu dhammaaday, waxaas waxaan u arkayaa cid aan danaynaynin wada-jirka Somaliland, cid aan ka fikiraynin xaaladda ina hortaalla. Ninka doonaya inuu qabto hoggaanka dalka, waa inuu ixtiraamaa wada-lahaanshaha iyo xeerarka Qaranka,” Sidaas ayuu yidhi Md Abgaal.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Haddii aynaan xil iska saarin rabitaanka oo aynaan ka wada-shaqaynin, shirarka laga sheekaynayo iyo arrimaha la hadal-hayaa maaha tii Somaliland.”


Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment