Thursday, July 23, 2015

“In La Yidhaahdo Xisbiyada Mucaaridku Ma Sheegan Karaan Qaran Waa Khalad, Anagu Shirkayagii Waanu Qabanaynaa” Musharaxa Madaxwayne UCID Jamaal Cali Xuseen.

Hargeysa July 23, 2015(Himilo)-Xisbiga Mucaaridka UCID ayaa ku adkaysanaya in la qabto shirka talo qaran ee ay saaka maxkamad sare ee Somaliland go’aamada kasoo saartay .
Maxkamada sare ayaa saaka go’aamo kasoo saartay inaan la qaban shir qaran balse xisbiyada mucaaridka ah loo ogalyahay shirar wadatashi ah. Musharaxa madaxwayne ee xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in la qabanayo shirkaasi isagoo ku dooday in axsaabta mucaaridku yihiin xisbiyo qaran lagana horjoogsan Karin in ay qabtaan shir qaran.
“Xisbiyada mucaaridku waxaa xisbiyo qaran in lakala sheegtana maaha, anagu waanu shiraynay shirkiina waa naloo fasaxay, Xisbiyo ayaanu nahay oo qarankaanu nahay, markaa in la yidhaahdo xisbiyada mucaaridku ma sheegan karaan qaran, arinkaasi waa arin yara khaldan, anagu shirkayagii waanu qabanaynaa, ta ugu muhiimsana waxaa weeyi in huteeladayadii iyo xuquuqdayadii la duudsiyay noo soo noqoto taasaa noo guula”Ayuu Yidhi Jamaal Cali Xuseen Oo BBCdu Su’aal Ka Waydiisay Inay Ogolyihiin Go’aan Maxkamada Sare.

Xisbiga Waddani ayaa isagu aqbalay go’aanka maxkamadu sare ku joojisay shirka talada qaran ee ay hore ugu baaqeen isbahaysiga mucaaridku.
Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment