Hargeysa July 29,2015(Himilo)-Xisbiyada mucaaridka ayaa warmurtiyeed wadajira kasoo saaray shir mudo laba cisho ah uga socday magaalada Hargeysa.
Shirkan oo ay xisbiyada mucaaridku kaga hadlayeen xaalada uu dalku marayo ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban lix qodob.
Akhriso Warmurtiyeed Xisbiyada Mucaaridku Kasoo Saareen Shirkii Wadajirka Mucaaridka Ee Dib loogu Eegayay Xaalada uu dalku marayo:-
1: In madaxwaynuhu fuliyo heshiiskii xukuumada iyo saddexda Xisbi qaran ee uu isagu gogsha fidiyay markay taariikhdu ahayd 26 May 2015 si dhakhso ah.
2: Hadii madaxwaynuhu heshiiskaasi fulin waayo waxaa cadaan ah in aanu diyaar u ahayn in ay dalka ka dhacdo doorasho xor oo xalaala, waxaana laga maarmaan ah inaanu dalbano in beesha caalamku nasoo kala dhexgasho.
3: Waxay labada xisbi mucaarid go’aansadeen inaanay aqbali doonin wakhti aan ahayn heshiiskii Saddexda xisbi qaran iyo xukuumadu isla qaateen ee ahaa December 2016ka, hadii xukuumad taa fulin waydo waxaa ka go’an in lagu noqdo go’aankii komishanka ee ahaa in doorashada la qabto June 2016ka.
4: Inaanu go’aanka guurtidu waafaqsanayn dastuurka iyo sharciga Somaliland, sababtoo ah ma jiraan shuruudaha ku xusan qodobka 42-aad, farqadiisa 5-aad ee dastuurka ee sheegaya duruufaha doorashada dib u dhigaya. Inaanay guurtidu xaq u lahayn laalista wakhtiga komishanku cayimay, islamarkaana aanay xaq dastuuri ah guurtidu u lahayn cayimaada doorashada.
5: Anagoo ka duulayna dhammaadka muddo xileedka madaxweynaha iyo golaha wakiillada, iyo go’aankii maxakamadda sare soo saartay ee ay ku amraysay in si degdeg ah loo soo afjaro khilaafka wakhtiga doorashada, waxaanu diyaar u nahay fulinta amarka maxakamadda.
6: Shirku wuxuu go’aamiyay in nabada, xasiloonida iyo jiritaanka madaxbanaanida Somaliland tahay muqadas.
War-murtiyeedkan Xisbiyada Mucaaridka waxaa si wada jira ugu saxeexnaa labada guddoomiye Xisbi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro)Iyo Faysal Cali Waraabe.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment