Friday, July 24, 2015

Wareysi Xiiso Badan oo Laga Qaaday Madaxwayne Obama Ka Hor Safarkiisa Dalalka Kenya Iyo Ethopia.

Nairobi July 24, 2015(Himilo)-Madaxwaynaha dalka Maraykanka, Barack Obama, ayaa maanta la filayaa in uu tago dalka Kenya, oo uu kaga qaybgalayo shirka caalamiga ah ee ganacsatada Enterpreneur-ka loo yaqaan.
Wuxuu kale oo u tagayaa dalka Kenya arrimo la xidhiidha la dagaalanka argagixisada. Booqashadiisu, waxay noqon doontaa tii ugu horaysay ee uu Kenya ku yimaado isaga oo madaxwayne ah wuxuuna tagi doonaa dalka Itoobiya.
Barack Obama wuxuu waraysi dheer siiyay weriyaha BBC John Sopel:

Madaxwaynaha Maraykanka Ugu horayn waxaa la waydiiyay, waxa uu ku xushay dalka Kenya oo ay horay uga dhaceen weeraro argagixiso.

Madaxwaynaha ayaa u sheegay BBC in safarkiisu uu yahay mid muujinaya sida ay Maraykanka uga go'an tahay la dagaalanka argagixisada bariga Africa.

"... iskaashiga ka hortagga argagixisada ee u dhaxeeya Maraykanka iyo Kenya, Uganda iyo dalal kale waa mid aad u xoog badan. Waana mid ka mid ah mowduucyada la soo qaadayo. Booqashadu waxay xoogga saari doontaa xidhiidhkaas iyo sidii looga midha-dhalin lahaa"

Wuxuu ballanqaaday in uu si aan ka leexleexad lahayn uga hadli doono musuqmaasuqa iyo xadgudubyada xuquuqda aadamaha ee gudaha dalka Kenya, una difaaci doono xuquuqda ragga is damaaciya dalkaas, oo ragga noocaas ah tallaabo laga qaado.

"anigoo ah mid ay qayb ahaan qoyskiisu joogaan Kenya, waxaan ogahay taariikhda sida dalkan uu inta badan dib uga istaago arrimahan, sababtoo ah dumarka iyo gabdhaha si cadaalad ah loolama dhaqmo." ayuu yidhi Barack Obama.
Wuxuu ka hadlay arrinta dalka Shiinaha iyo saamayntiisa sii kordhaysa ee qaaradda Africa.
Waxaa uu yidhi Shiinaha dhowrkii sano ee la soo dhaafay marka aad eegto faa'iidada ay Shiinaha ay ka uruursadeen ganacsiga dunida iyo in aysan ahayn kuwo ogol in ay la xisaabtamaan dadkooda. "waxay awood u yeesheen in ay lacag aad u farabadan galiyeen qaaradda Africa, iyagoo ku badalanaya badeeco qaydhiin oo Africa ay ka qaataan." Barack Obama.
Madaxwaynaha Maraykanku, wuxuu sheegay in loo baahan yahay in gacan laga gaysto sidii loo heli lahaa mowqif ay Shiinaha, Europe iyo Maraykanka ka wada shaqeeyaan.
Madaxwayne Obama ayaa la filayaa in uu Nairobi kula kulmo xubnaha qoyskiisa, uma safri doono tuulada uu aabihii ku dhashay.
Mr Obama, wuxuu noqday madaxaynihii ugu horeeyay ee Maraykanka ee khudbad u jeediya midowga Africa marka uu tago dalka Itoobiya maalinta Axadda.

Himilomedia
Hargeysa Office

Xigasho BBC

No comments:

Post a Comment