Wednesday, July 22, 2015
Xukuumada Iyo Xisbiga Kulmiye Oo Ka Jawaabay Dhawaaqa Isbahaysiga Mucaaridka ee Shir Qaran.
Hargeysa July 22, 2015(Himilo)-Xukuumada Somaliland iyo xisbigeeda Kulmiye ayaa maanta si adag uga jawaabay dhawaaqii kasoo yeedhay Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee ay sheegeen inay Qabanayaan Shirwayne Qaran.
Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa sheegay in aan cidna laga aqballi doonin inay isugu yeedhaan shirwayne Qaran, isla markaana ciddii sharciga ku xad gudubta sharciga la hor geyn doono.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE, Muuse BIixi Cabdi ayaa sheegay in Madxweynaha Somaliland oo kaliya uu Sharcigu siiyay inuu ku Hadlo Afka shacabka, isla markaana shirwayne qaran uu isagu qaban karo, balse hogaamiyayaasha xisbiyadda qaranku aanay qaban Karin.
“Anigu shirweyne qaran ma qaban karo, gudoomiyaha golaha Wakiiladuna ma qaban karo ee ninka kaliya ee qaban kara ee magaca qaran ku hadli karaa waa madaxweynaha, shir aanay ku jirin baarlamaankii, xukuumaddii sidee loo odhan karaa waa shirweyne qaran”ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi
Xukuumada Iyo Xisbigeeda Kulmiye ayaa ku adkaysanaya inaan dalka laga qaban shir talo qaran iyagoo ku dacwoonayo inuu shirkaasi nabadgalyo abuuri karo,Balse isbahaysiga mucaaridka ayaa iyaguna ku adkaysanaya in shirkaasi qabsoomo.
Amaanka magaalada hargeysa ayaa aad loo adkeeyay si looga hor tago inuu shirkaasi qabsoomo iyadoo hanjaabado la isku marinayo warbaahinta.
Ilaa iyo imika ma cada goobta lagu qabanayo shirka ay ku baaqeen isbahasyiga mucaaridku,marar aanu la xidhiidhnay masuuliyiinta wada shirkana waxaa ay noo sheegeen in shirkaasi la qabanayo balse nooma sheegin goobta uu ka dhacayo.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment