Thursday, July 30, 2015

Golaha Ammaanka oo muddo-kordhin u sameeyey Hawlgallada AMISOM iyo UNSOM, diidayna in dawladda Soomaaliya wakhti loo kordhiyo

New York, 30 July, 2015 (Himilo)- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa muddo-kordhin u sameeyey howlgalka Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) hawlgalka Ciidammada Midowga Afrika (AMISOM) ee Soomaaliya ku sugan oo wakhtiyadoodu gabaabsi ahaayeen ama dhammaanayeen. Hase-yeeshee, Wakiilka Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa Nicholas Kay, ayaa sheegay inaan wax muddo-kordhin ah loo samayn karin dawladda Soomaaliya marka muddadeedu dhammaato badhtamaha sannadka soo socda.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa isku raacay in UNSOM ay sii shaqeyso inta laga gaadhayo 30-ka saddexaad ee 2016-ka, halka AMISOM loo kordhiyay xilliga inta laga gaadhayo 30-ka May sannadka 2016-ka, si ay gacan uga geystaan sidii Soomaaliya loogu soo celin lahaa xasillooni iyo Ammaan buuxa.

Muddo-Kordhinta loo sameeyay UNSOM iyo AMISOM, ayaa ku soo beegmaysa xilli Axaddii lasoo dhaafay weerar Ismiidaamin ah lala beegsaday Hotel Jaziira oo ku yaalla meel ku dhaw Garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasoo ay Mas’uuliyaddiisu Sheegatay ayna ku dhinteen dad badan oo uu ku jiray Dublamaasi Shiineys ah. idoo kale, waxay tallaabadan Golaha Ammaanak ee QM ay imanayso xilli ay Ciidammada Midowga Afrika iyo kuwa dawladda Soomaaliya kala wareegeen Al-Shabaab Diinsoor iyo Baardheere oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa hoosta ka xariiqay in Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya oo ah kan ugu awoodda badan ee Qaramada Midoobay ay ku leeyihiin Soomaaliya uu xurmeeyo Madax-bannaanida dhuleed, ta Siyaasadeed iyo Midnimada Soomaaliya, iyagoo cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee ay ka geysanayso Al-shabaab gudaha Soomaaliya.

Xilliga Xafiiska UNSOM ayaa ku ekaa 07-da bisha Sagaalaad ee sannadka 2015-ka, Xafiiskan oo laga hirgeliyay Soomaaliya sannadkii 2013-kii, iyadoo hawshiisuna ay tahay ka talo-bixinta arrimaha Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo inuu dawladda Soomaaliya kala shaqeeyo Geeddi-socodka Nabadda iyo dib-u-heshiisiinta.

Geesta kale, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa qaraarkooda waxay ku sheegeen in ay isku waafaqeen inaan Ciidammo Nabad-ilaalin ah oo ka socda Qaramada Midoobay loo diri karin Soomaaliya xilligan. Balse ay dhici karto inay geeyaan Ciidammooda Soomaaliya dhammaadka sannadka soo socda ee 2016-ka.

Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa Shir-weynaha Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya oo shalay Muqdisho ka furmay ka sheegey in marka la gaadho sannadka 2016-ka aan la aqbali doonin wax muddo korodhsi ah oo loo sameeyo dawladda oo sannadka dambe wakhtigu ka dhammaanayo.

Xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Salaasadii toddobaadkan si rasmi ah u shaaciyay in aanay Soomaaliya ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah ama shacabku codkooda wax ku soo dooran karaan marka la gaadho sannadka soo socda ee 2016-ka, iyagoo Madaxda Soomaaliya ay sheegeen in arritan lagaga tashan doono shirkan Arbacadii shalay ka furmay Muqdisho.

“Kulan ay shalay (salaasadii) yeesheen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu Ansixiyay qaraar dhigaya in aanay jirin wax muddo korodhsi ah oo Golaha Fulinta iyo Sharci-dejinta Soomaaliya ay sameystaan marka la gaadho xilliga uu wakhtigu ka dhammaanayo.” Sidaa ayuu yidhi Nicholas Kay. Waxaanu ayaan-darro uu ka xun yahay ku tilmaamay inaanay Masuuliyiinta Maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland aanay ka qaybgelin shirka uu shalay hadalkan ka jeediyey ee Muqdisho ka furmay.

 

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment