Thursday, July 23, 2015
Hoggaanka KULMIYE iyo Xukuumadda oo Jawaab adag ka bixiyey Shirka Mucaaradku muddeeyey, Cidda Shir Qaran qaban karta iyo Heshiiskii la galay.
“Haddii sharciyaddii la diiday oo la leeyahay 27-ka July marka la gaadho dawladi ma jirto, annaga wakhtigayagu wuxuu ku eegyahay March 2017 oo aannu doorashada galaynaa, Xukuumaddu hadday December galayso waa fasax illeen iyagaa marka hore-ba wax la saxeexday Mucaaradkee..” Baashe Maxamed Faarax
“Anigu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaan ahay, Shir Kulmiye waan qaban karaa, Shir Qaran ma qaban karo. Guddoomiyaha UCID-na waa ila mid, Guddoomiyaha WADDANI-na waa ila mid. Waa xad-gudub awoodeed oo Dastuurku ciddii uu siiyey ee ummaddu u igmatay uu ka qaatay nin ama Xisbi…” Muuse Biixi Cabdi
“Intan lagu hadlayo ee lagu xiiqay waa immisa sannadood? Waar maaha sannado, waa immisa bilood? Waa inta Geelu Biyaha ka qado. Waa Sagaashan cisho oo keliya…Waar inta Hali Biyaha ka oonto dalkani rabshad u geli maayo oo Hashaas kama liidanno…” Wasiir Cabdillaahi-Cukuse
Hargeysa, 23 July, 2015 (Himilo)- Hoggaanka Xisbiga KULMIYE iyo Xubno ka tirsan Xukuumadda talada haysa, ayaa jawaab adag ka bixiyey Shirka wada-tashiga Qaran ee ay Xisbiyada Mucaaradka iyo Madasha Wada-tashigu ku baaqeen inay qabanayaan, isla markaana waxay ku doodeen inaanay Xisbiyadu sharci u lahayn Shir Qaran qabashadiisa, balse keliya Madaxweynuhu xaq u leeyahay.
Shir Jaraa’id oo ay Xubnaha KULMIYE iyo Xukuumaddu ku qabteen xarunta dhexe ee Xisbigaasi ku leeyahay magaalada Hargeysa Arbacadii shalay, waxa ku sheegeen inaanay Xukuumadda iyo Xisbigeedu toona ka bixin heshiis ay 27-kii May 2015-ka ku wada saxeexdeen Madaxtooyada, kaasoo dhigayey in muddo dhawr bilood ah doorashada qabashadeeda laga soo hor-mariyo muddada Guurtidu u kordhisay Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, kaasoo Golaha Guurtidu ku gacan-saydhay.
Isbahaysiga Mucaaradka oo ka kooban Xisbiyada UCID iyo WADDANI iyo Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga, ayaa Salaasadii toddobaadkan ku baaqay inay qabanayaan Shir wada-tashi Qaran ah, kaasoo lagaga tashanayo aayaha siyaasadeed ee Somaliland soo food-saaray, maaddaama oo uu dhammaanayo wakhtiga Madaxweynuhu 27-ka bishan, isla markaana muddo-kordhinta Guurtida khilaaf ka taagan yahay, sidoo kalena Xukuumaddu ku fashilantay hirgelinta heshiiska ay May wada galeen, shirkaas oo ay u muddeeyeen 23/26-ka bishan.
Hase-yeeshee, Xukuumadda ayaa samaysay dhoolla-tus Ciidan, iyadoo heegan gelisay Booliska dalka, digniinna u dirtay Ganacsatada Hudheellada ku leh Hargeysa oo ay ku amreen inaanay Hudheelladooda ka kirayn karin Shirka Mucaaradku ku baaqay, iyagana fartay inaanay shirka ay ku baaqeen qaban karin. Laakiin, go’aankaas beddelkiisa, waxay Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI Dacwad u gudbiyeen Guddoomiyaha Maxkamadda sare, waxaanay sheegeen inaanay ka noqonayn shirkaas ee ay qabanayaan, maanta oo ay bisha July 23 tahay, maaddaama oo aanu jirin Sharci u diidayaa sida ay ku doodeen.
Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay shirka Jaraa’id ee ay shalay ku qabteen Xaruntooda Hargeysa, waxa uu yidhi; “Shir Q aran, Talo Qaran, yaa Qaranka metela? Dastuur baynu leenahay, Qaranka waxa metela oo caalamka oo dhan Xeer ah Madaxweynahaa Qaranka metela, isagaa heshiiyada caalamiga ah gala ee Qaranka, Maamuuska Qaranka isagaa leh, Salaanta Qaranka isagaa leh, Shir Qaran isagaa qaban kara, af Qaran isaguun baa ku hadli kara. Wasiir kuma hadli karo, Guddoomiye Xisbi kuma hadli karo, Guddoomiye Baarlamaan kuma hadli karo, waayo? Qarankii waxa lagu ururiyey Fulinta oo Xukuumaddii ah oo lagu ururiyey Hay’adii Qaranka ugu sarreeyey ee Garsoorka iyo Sharci-dejintii ah oo inta kalena soo hoos-gasho.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.
Muuse Biixi waxa uu intaas ku ladhay; “Markaa, haddii la yidhaahdo Shir Qaran baa la qabanayaa, waxaa oggolaanaya oo Shirkaa ka madax oo Guddoominaya Madaxweynaha. Anigu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaan ahay, Shir Kulmiye waan qaban karaa, dadka Kulmiyena waan isugu yeedhi karaa, laakiin Shir Qaran ma qaban karo. Guddoomiyaha UCID-na waa ila mid, Guddoomiyaha WADDANI-na waa ila mid. Waa xad-gudub awoodeed oo Dastuurku ciddii uu siiyey ee ummaddu u igmatay uu ka qaatay nin ama Xisbi ama laba nin oo Xisbi ka hadlayey, iyana waa gef Sharci, waa gef siyaasadeed.”
Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi oo si gaar ah ula hadlayey Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro, waxa uu yidhi; “Bal cid kaleba ha joogtee inuu gefkaas u badheedho lagama filayn Guddoomiyaha Baarlamaanka oo isagu ah ninkii sharci-dejinta u madaxda ahaa, wuu garanayaa Dastuurka, waanu arkayaa sharciga. Isagu kamaba foga Madaxweynaha, saddex qof buu Dastuurku siiyey hab-maamuuska Qaranka, Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxtooyada ayaa la isku yidhaahdaa, Guddoomiyaha Guurtida iyo Guddoomiyaha Wakiillada, Guddoomiyaha Wakiilladu waa ninkii saddexaad ee Qaranka, markaa inuu isagu ku xad-gudbo erayga Qaran sidii loo kala lahaa waa Qalad.”
“Markay Xisbiyadu yidhaahdeen dawladda wakhtigeedi waa gabaabsi, doorashana way qaban wayday, labadaa eray markaynu tix-raacno ee uu yidhi Guddoomiyaha Wakiillada ama Guddoomiyaha WADDANI, waxaynu ognahay in isaga iyo Aqalka Wakiillada shan sano ka hor wakhtigoodi dhammaaday, inay Guurtidu u kordhisay, inuu Shir-guddoomiye ka ahaa Wakiillada shantaa sannadood, in sharciyo badan oo Qaranka lagu maamulo uu saxeexay isagu. Markaa, Guddoomiyaha Wakiillada waxaan weydiinayaa, ma waxaanad aqoonsanayn oo shaki kaaga jiraa muddo-kordhinta Guurtidu ay u kordhisay labada goor, shan sano oo hore iyo 22-ka bilood ee immika ah ee Madaxweynaha, Ku-xigeenka iyo Wakiillada loo kordhiyey. Guddoomiyeyaasha labada Xisbi waxaan weydiinayaa arrintaa Sharciga ah ma shakaa idinkaga jira, miyaa diiddan tihiin? Ummadda bal u caddeeya sharci ahaan halkaad ka taagan tihiin.” Sidaa ayuu yidhi Muuse Biixi.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa isaguna shirkaas Jaraa’id ka hadlay, waxaanu yidhi; “Intan lagu hadlayo ee lagu xiiqay waa immisa sannadood? Waar maaha sannado, waa immisa bilood? Waa inta Geelu Biyaha ka qado. Waa Sagaashan cisho oo keliya, Biyuhu waa nolosha, Hashaa sagaashan cisho biyaha ka qadda. Inta Hali Biyaha ka adkaysato ninka ka adkaysan kari-waayaya ee weliba aannu diyaar u nahay ee leenahay waar aayar kaalayoo heshiiskii baannu kula oggolnahay, Guurtiduu innagaga xidhan yahay, waynu u samraynaa, Guurtiduna waxba innagu diidi maayaan oo waa Odayaasheenniiye aynu si nabad ah oo la isla oggol yahay si nabad ah sagaashankan cisho isaga af-garanno.”
“Waar inta Hali Biyaha ka oonto dalkani rabshad u geli maayo oo Hashaas kama liidanno. Waxaynu leenahay Caqligii, waxaynu leenahay dawladnimadii oo kaamil ah. Dawladnimeennaa kaamilka ah ee wakhtiga badan innagu joogta ee tacabka badani ku soo baxay ee dadka badani u hoydeen, kuwo nabaddeedii ku dhisayey iyo kuwo colaaddeedii ka soo qaybgalay-ba ciyaar ku lumi mayso.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cukuse.
Wasiir Cabdillaahi-Cukuse, oo ka hadlaya heshiiska ay Xukuumaddu hore ula gashay Xisbiyada Mucaaradka ah iyo waxa hortaagan, waxa uu yidhi; “Qodobka koowaad ee Heshiiskaa ay leeyihiin halla fuliyo ayuu ahaa, waannu fulinnay, iyaguna inay fuliyaan bay ahayd ee inay xalay (habeen-hore) ka daba-yimaaddaan may ahayn oo ay yidhaahdaan 27 bay Madaxweynaha kaga dhan tahay. Mid labaad waxa weeye, Xukuumaddu heshiiskii miyey ka baxday mise kamay bixin?”
“Xaashaa kalla Xukuumaddu heshiiskii ay la gashay Xisbiyada kamay bixin. Laakiin, waxay u deydayeysaa qiilkii uu ku sharciyoobi lahaa, waxay u deydayeysaa dariiqii lagu waafajin lahaa inuu Sharci noqdo. Kaasina wuxu ku xidhan yahay Hay’adda keliya ee uu Sharcigu xaqa u siiyey inay go’aan ka gaadho arrintaas muddo-kordhinta, ee hadday timaaddo go’aaminaysa ee haddii doorashadu wakhtigeeda ku qabsoomi waydo go’aaminaysa maalinta kale ee loo guurayo.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi-Cukuse.
Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo isaguna Xisbiga KULMIYE ka tirsan, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanu u hanjabay Xisbiyada Mucaaradka ah, isagoo intaas ku daray inaanay Wakiillo ahaan ka noqon doonin muddo-kordhinta Guurtidu u samaysay Madaxtooyada iyo Golohooda.
”Haddii Mucaaradku yidhaa Goleyaashu ma jiraan, sharciga ayay ku gefayaan. Haddii qolada Xukuumaddu December doorashada qabsanayso, annaga teeramkayagu waxa weeye 20-ka April, 2017-ka, wakhtigaas baa Golaha Wakiillada loo kordhiyay. Doorashada Wakiilladana waxay ka horaynaysaa bil oo 27 March inaanu doorashada u tartano ayuu sharcigu dhigayaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilladu.
Baashe Maxamed Faarax oo sii watay hadalkiisa, waxa uu yidhi; “Markaa haddii sharciyaddii la diiday oo la leeyahay 27-ka July marka la gaadho dawladi ma jirto, annaga wakhtigayagu wuxuu ku eegyahay March 2017 oo aannu doorashada galaynaa, Xukuumaddu hadday December galayso waa fasax illeen iyagaa marka hore-ba wax la saxeexday Mucaaradkee. Xisbigii yidhaahda Goleyaashu ma jiraan waxaannu u sheegaynaa inaannu odhan doonno Xisbiyadu Xisaanad ma leh, Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida ayaa xisaanad leh, intaana waxaannu ka dhawrsanaynay inaannu nidhaa Asxaabta Mucaaradku ma jiraan oo aannu waliba go’aanno iyo sharciyo ku soo saarno hadday ka waantoobi waayaana way imanaysaa.”
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment