Wednesday, July 29, 2015

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inuu Fashilmay Qorshe beesha Caalamku u jaan-goysay

Muqdisho, 29 July, 2015 (Himilo)- Dowladda Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaadday inaanay suurta-gal ahayn hirgelinta qorshe hore loogu dhawaaqay in doorashooyin ku dhisan nidaamka dimuqraadiga ah laga sameeyo dalkaas sannadka 2016-ka, qorshahaas oo qayb ka ahaa hiigsiga horumarineed ee beesha Caalamku ka taageerto dalkaas.

Sida lagu sheegay kulan ay wada-jir ugu qabteen magaalada Muqdisho Xukuumadda iyo baraalamaanka dalkaas, waxa la go’aamiyey in sannadka 2016-ka aanay suurta-gal ahayn dalkaas laga hirgeliyo doorasho xor ah oo qof waliba codkiisa ku soo doorto madaxda dalkaas, waxaana taas lagu sababeeyey iyadoo aanay hirgelin heerkii la doonayey in laga gaadho nabadgelyada iyo wacyi-gelinta bulshada.

Kulanka wada-jirka ah oo ay goob-joog ka ahaayeen 158 Xildhibaan, ayaa lagu shaaciyey in la qaban doono shirweyne aayo-ka-tashi oo ay ka qayb-galaan Goleyaasha Dowladda, maamul-goboleedyada, Xisbiyada siyaasadda iyo bulshada Rayidka ah ee Soomaaliya si looga tashado xilliga doorasho suuro-gal ah la qaban karo.

Shirkan ayaa loo muddeeyey inuu furmo maanta oo Arbaca ah, iyadoo loo ballansan yahay inay ka qayb-galaan madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada Soomaaliya, iyadoo ay xarunta Soomaaliya ee Muqdisho ku sugan yihiin madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada Galmudug iyo Koonfur-Galbeed, balse waxa ka maqan maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubba oo door laxaad leh ku leh dhismaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment