Tuesday, July 28, 2015

Madaxwayne Ku Xigeenka Oo Qaddo Sharaf Ku Maamuusay Madaxwaynihii Hore Ee Puntland Dr Faroole.

Hargeysa July 28, 2015(Himilo)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa munaasibad qado sharaf ah ku maamuusay Madaxweynihii hore ee Puntland oo ku sugnaa Magaalada Hargaysa.

Munaasibadani qado sharafta ah oo ay ka soo qayb galeen Madaxweyne xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale, ayaa waxa ugu horayn halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga Talada Dalka haya ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, waxaana uu soo dhaweeyay Madaxweyne Faroole.

Madaxweynihii hore ee Maamul goboleedyada Soomaaliyeed ee Punthland Cabdiraxmaan Maxamud Faroole oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu mahadnaqay Masuuliyiinta Xukuumada Somaliland casuumadda iyo soo dhawaynta fiican ee loogu sameeyay intii uu joogay magaalada Hargaysa.

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliand Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa isaguna gabagabadii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in munaasabadan ay u qabteen Dr Faroole ay tahay mid lagu soo dhawaynayo islamarkaana waxa uu ka tacsiyeeyeey geerida ku timi xaaskiisii oo dhawaan lagu dilay magaalada Garoowe.

Cabdiraxmaan Maxamud Faroole, Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa muddo ku siman 10 cisho socdaal ku joogay Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland, isagoo socdaalkiisaasi la xidhiidhay dhinaca qoyskiisa.

 

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment