Sunday, July 26, 2015

“Horumarka ballaadhan ee laga sameeyey dhinaca waxbarshada sare waxay kaalin weyn ka qaadatay…”Wasiir Xirsi.

Hargeysa, 26 June, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in heerka Waxbarashada Sare ee dalku ay horseedday in guul la taaban karo laga gaadhay la-dagaalanka aafooyinka shaqo-la’aanta iyo tahriibta, sidaas awgeedna loo baahan yahay inay dhalinyaradu Aqoontooda ay barteen uga faa’idaystaan ka-midho dhalinyarta Cilmiga ay barteen oo ay si kale uga faa’idaystaan.
Md Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka qayb-galay munaasibad Jaamacadda Eelo ee magaalada Boorama habeen hore ku daah-furay waxbarashada Heerka labaad ee Masters Degree, waxa u ku dooday in heerka dalku xilligan ka gaadhay waxbarashada Sare ee Jaamacadaha ay yididiilo iyo rejo fiican ku abuurtay da’yarta Jecel waxbarashada.
Sida uu Wasiirku ku sheegay Qoraal uu ku baahiyey boggiisa Internetka, waxa uu talooyin iyo hadallo waano u ah u jeediyey Maamulka iyo Ardayda wax ka barata Jaamacadda Eelo ee magaalada Boorma.
Qoraalka wasiirku kaga hadlay Xafladda uu ka qayb-galay iyo muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay dalka, ayaa u qornaa sidan:- “Waxaan xalay (habeen hore) ka qaybgalay Munaasabad balaadhan oo Jaamacada EELO ku daahfurtay waxbarashada heerka labaad "Master Degree" oo ka qabsoontay xarunta gobolka Awdal ee Borama.
Daahfurka Waxbarashadan heerka labaad ayaa kamid ah horumarka dhinaca waxbarashada ee dalkeenu gaadhay isla markaana waxay rejo wanaagsan u abuurtay da' yarta u harraadan barashada cilmiga.
Maaha markii ugu horaysay ee waxbarashadan heerka labaad laga daahfuro Somaliland balse waxaa muddooyinkii u dambeeyey sare u kacayey horumarka ballaadhan ee laga sameeyey dhinaca waxbarashada Sare taasoo kaalin wayn ka qaadatay la dagaalanka shaqo la'aanta, yaraynta tahriibka iyo abuuritaanka qof ku qalabaysan hubka aqoonta
Intii Munaasbaddu socotay ayaan masuuliyiinta Jaamacada kala dardaarmay in ay awoodda saaraan dhinaca tayada ee aanay ka fikirin uun tirada, waxaan sidoo kale ardayda xiisaynaysa barashada heerka labaad ee waxbarashada ku booriyey in ay ku fikiraan in ay aqoontii ay barteen u beddelaan ficil balse aanay noqon kuwo shaqo uun ku raadiya cilmigii ay barteen.
Waxaan sidoo kale guud ahaan dhalinyarada Gobolka kala dardaarmay in ay nabadda u horseedday horumarka ilaaliyaan sidoo kalena dhinac uga wada jeestaan cid walba oo nabadda iyo horumarka carqaladaysa.
isku soo wada duubo, munaasabadan ayaa ku dhamaatay jawi farxadeed iyo rejo aqooneed oo bilan.”

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment