Saturday, July 25, 2015

“Anagu Markii Horena Waanu Kasoo horjeednay Shir Qaran Imikana Waanu Kasoo Horjeednaa….Shir Qaran In La Sameeyo Maamul Kale Weeyi”Madaxwayne Ku Xigeenkii Hore Somaliland Md:Axmed Yuusuf Yaasiin

Hargeysa July 25, 2015(Himilo)-Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka biyo diiday shirka xisbiyada mucaaridka uga socda magaalada Hargeysa ee lagaga hadlayo xaalada uu dalku marayo.
Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxaa uu sheegay inaanay markii ay madaxda ahaayeen raali ka ahayn shir qaran imikana aanay ogalayn shir qaran oo ay qabtaan xisbiyada mucaaaridku.

Axmed Yuusuf Yaasiin oo wareysi Khaasa Siiyay Royal Tv Ayaa ugu horayn ka hadlay “Horta hadii la yidhaahdo shir qaran taas horta anagu ma ayidsanin, Xisbiyadu waa kuwii dhalay golayaasha qaranka ,markaa shir qaran waxaa qaban kara golayaasha qaranka, shir qaran waji badan ayuu leeyahay waxana kamida marka la is hayo dawlad kale, Shir qaran in la sameeyo maamul kale weeyi, Anagu markii horena waanu kasoo horjeednay imikana waanu kasoo horjeednaa.”
Madaxwayne Ku xigeenkii Hore ee Somaliland waxaa uu intaasi raaciyay “shir qaran waxaa qaban kara guurtida iyo wakiiilada xisbiyaduna halkaasi way ku leeyihiin wufuud.”Ayuu Yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin

Mudane Axmed Yuusuf Yaasin waxaa uu sheegay inaanu wakhtigan diyaar u ahayn inuu galo sayaasada balse waxaa uu rajo wayn ka muujiyay in xisbigii UDUB dib usoo noqdo marka la furo ururada isagoo sidoo kale Hambalyo u diray Maxkamada sare ee Somaliland go’aankii ay ka gaadhay murankii xisbiyada mucaaridka iyo xukuumada.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment