Hargeysa, 25 July, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey go’aankii Maxkamadda Dastuuriga ahi ka soo saartay dacwad xisbiyada Mucaaradka uga gudbiyeen Xukuumadda oo ay ku eedeeyeen inay is-hortaagay shir wada-tashi oo mucaaradku iclaamiyeen todobaadkii hore.
Maxkamadda Sare ee Somaliland waxa ay go’aan ka soo saartay oo xisbiyada mucaaradku u gudbiyeen dacwad ka kooban laba qodob oo kala ah in laga horjoogsaday qabsoomidda shir ay ku sheegeen talo-qaran oo ay Salaasadii todobaadkii iclaamiyeen iyo in Hoteellada magaalada Hargeysa lagu soo rogay amar ah inaanay mucaaradka ka kirayn karin, iyadoo maxkamaddu go’aamisay in Xisbiyada Qaranku qabsan karaan shirar, balse aanu sharciga dalku oggolayn abaabulka shir ku magacaaban Aayo-ka-tashi qaran oo ay qaban karaan oo kaliya Goleyaasha Sharciga ah ee dastuurku u banneeyey.
Guddoomiye Muuse Biixi oo war-saxaafadeed uu go’aanka Maxkamadda kaga hadlayo soo saaray habeenkii Jimcaha, waxa uu sheegay inuu soo dhawaynayo go’aankaas, balse waxa uu xusay inuu si gaar ah u soo dhawaynayo qodob saddexaad oo go’aanka maxkamadda ku jiray.
“Xisbiga KULMIYE waxa uu soo dhawaynayaa go’aanka ay soo saartay Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland maanta oo taariikhdu tahay 23/07/2015, waxaannuna diyaar u nahay in aannu ugu dhaqanno sidiisa.
Waxa kaloo aannu si gaar ah u soo dhawaynaynaa qodobka saddexaad ee go’aanka Maxkamadda Sare ee amraya in dhinacyada doorashadu khusaysaa soo afjaraan muranka taagan,” Sidaas ayuu Muuse Biixi ku sheegay war-saxaafadeedkiisa.
Dhinaca kale, Muuse Biixi waxa uu xisbiyada mucaaradka ugu baaqay inay kala hawl-galaan sidii loo dhammaystiri lahaa heshiis hore looga gaadhay xilliga doorashooyinka la qabanayo oo dhexmaray saddexda xisbi qaran iyo xukuumadda, kaas oo dhigayey in wakhtiga doorashooyinka loo muddeeyey bisha December ee sannadka 2016-ka.
“Sidaa darteed xisbi ahaan waxaannu jecelnahay in arrintaasi laga midho-dhaliyo, iyadoo horeba KULMIYE uu ugu jiray sidii loo dhammayn lahaa khilaafkan, waxaannuna ugu baaqaynaa xisbiyada mucaaradka ah inay nalaga hawlgalaan dhammaystirka iyo hirgelinta heshiiskii hore loo galay,” Sidaas ayuu yidhi Muuse Biixi.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment