Wednesday, July 29, 2015

Madaxweyne Obama oo Khudbad dhinacyo badan uu kaga hadlay u jeediyey Madaxda Ururka Midawga Afrika

Addis Ababa, 29 July, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama booqasho ku jooga dalka Itoobiya, ayaa shalay khudbad dhinacyo badan uu kaga hadlay ka jeediyey Xarunta Ururka Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa, taasoo noqonaysa khudbaddii u horreysay ee uu Madaxweyne Maraykan ahi ka jeediyo Midowga Afrika.

Khudbadda Madaxweyne Obama uu u jeediyay 54-ka dal ee Xubnaha ka ah Midowga Afrika, ayaa waxay taabanaysay arrimo ay ka mid yihiin ammaanka Afrika, dhaqaalaha, musuqmaasuqa, Xuquuqda Aadamaha, dimuqraadiyadda iyo la-dagaallanka argaggixisada.

Guddoomiyaha Guddiga Ururka Midowga Afrika Nkosazana Dlamini-Zuma oo soo dhaweynaysay Madaxweynaha Mareykanka ayaa waxay ku tilmaantay Barack Obama Wiil Afrika sheegato, iyadoo xustay xidhiidhka Taariikhiga ah ee ka dhexeeya Mareykanka iyo Afrika.

“Afrika iyo Mareykanka waxaa ka dhexeeya lafo xooggan oo taariikhi ah, kuwaasoo ku dhashay dhiigga iyo dhididka Wiilasha iyo Gabdhaha Afrika. Kuwa ka gudbay Badda Atlantic-ga oo xooggooda geliyay Beeraha iyo Dhismaha Magaalooyinka Mareykanka, taasoo ahayd middii Mareykanka ka dhigtay inuu noqdo Waddan u awood weyn sida uu maanta yahay.” Sidaa ayey tidhi Dlamini-Zuma.

Madaxweyne Barack Obama oo markaa ka dib hadlaka la wareegay, ayaa ka Marag-kacay hadalka Guddoomiyaha Midawga Afrika Dlamini-Zuma, isagoo xusay in shacabka Afrika ay gacan weyn ka geysteen qaabeynta dalka Mareykanka, kuwaasoo u oggolaaday Mareykanku inuu noqdo heerka uu maanta marayo.

“Innaga iyo Carruurteennaba Afrika waxay na bartay cashar awood badan, kaasoo ah inaan dhawrno sharafta uu leeyahay qof kasta oo Bani’aadam ah, iyadoo aan loo eegayn midab iyo halka uu kasoo jeedo. Dhammaanteen waxaan nahay dad siman qof walbana macno ayuu Caalamkan ugu ku fadhiyaa, waxaanu mudan yahay inuu tixgelin iyo sharaf ku noolaado.” Sidaa ayuu Madaxweyne Mareykanku.

Barack Obama, mar uu ka hadlay halista Argaggixisadu ku hayso Afirka, waxa uu ku ammaanay doorka Ururka Midowga Afirka ee ku aaddan xallinta mushkiladaha Afrika, waxaanu yidhi; “Marka la eego wajihidda ka hortagga halista Argaggixisada Midowga Afrika waxay muujiyeen hoggaan. Ururka Midowga Afrika dartiis Al-Shabaab waxay hadda maamushaa dhul aad u yar, dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyaduna sii xoogeysanaysa.”

Waxa uu intaas ku daray Obama oo sii watay hadalkiisa, in Ciidammada Midowga Afrika ay dalka ku yaalla badhtamaha Afrika ee Jamhuuriyadda Afrikada dhexe ay kula dagaallamayaan Kooxda LRA, sidoo kalena ay dalka Nigeria ee Galbeedka Afrika kula dirirayaan Ururka Boko Haram.

Guddoomiyaha Ururka Midawga Afrika Dlamini-Zuma, ayaa iyaduna ka hadashay halista Argaggixisada ka dib khudbadii Obama, waxaanay tidhi; “Inkastoo Afrika ay sameynayso horumarro haddana weli caqabado ayaa na horyaalla, waxaana walaaca ku haya uu innagana naga haysta halista Argaggixisadu ay ku haysto Qaaradda Afrika iyo Caalamka intiisa kale. Afrikana waxay qaybteeda ka qaadanaysaa dagaalka lagula jiro kooxaha Argaggixisada ahi.”

Madaxweyne Barack Hussien Obama, ayaa waxa kale oo ka hadlay dimuquraadiyadda Afrika, isagoo sheegay in Afrika aanay u baahnayn Madaxweynayaal awood leh, balse ay u baahan tahay Hay’ado shaqeeya oo dimuquraaddi ah oo Shacabkuna ay jecel yihiin. “Dastuurka Afrika ee Xuquuqda Aadamaha waxa ku qoran in qof kastaa uu leeyahay sharaf, laga soo bilaabo Sierra Leone, Ghana, Benin illaa Botswana, Namibia iyo South Afrika dimuquraadiyaddu way xididdeysanaysaa.” ayuu yidhi Obama oo ku daray hadalkiisa in dalka Nigeria, waxaa codkooda si geesinnimo leh u dhiibtay in ka badan 28 Milyan oo qof, balse Xuquuqda noocaas ah ma haystaan dad badan oo Afrikaan ah.

Obama oo hadal uu ka dhawaajiyay ula jeediyay Madaxweynayaasha Afrika ee xukunka isku dhajinaya, ayaa wuxuu tusaale u soo qaatay Itoobiya, isagoo yidhi; “Dimuquraadiyaddu ma aha doorashooyin la qabto oo keliya, balse marka la xidho Weriyeyaal shaqadooda dartood ama la handado dadka Xuquuqda Aadamaha u dhaqdhaqaaqa, gacan bir ahna lagu qabto Ururrada Bulshada Rayidka ah, taasoo macnaheedu waa inaad haysato dimuquraaddiyad magac uun u jirta.”

“Dalkan aan martida u nahay ee Itoobiya waxaa ka jira wax badan oo lagu Ammaano oo la qabtay. Dabcan doorashana way ka dhacday, anigoo u sheegay Raysal-wasaaraha Itoobiya in tallaabooyinkan ay yihiin billowgay wax u eg dimuqraadiyad. Itoobiyana ma gaadhi karto horumar ay Shacabkeedu higsadaan haddii aan la dhawrin Xuquuqaadka aasaasiga ah.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Obama.

Madaxweyne Barack Obama ayaa ka hadlay Fursadaha Dhaqaale ee Afrika ka jira iyo sida uu Mareykanku u daneynayo, isagoo hoosta ka xariiqay in horumarka Afrika uu ku xiran yahay; Maamul-wanaag, Dimuqraadiyad iyo la-dagaalanka Musuq-maamuqa oo uu ku tilmamaay cudur Kansar ah oo Afrika ku jira.

Waxaanu Madaxweynaha Maraykanku ka warramay sida uu dunida uga jiro musuqu Afrika ha ugu darnaatee, waxaanu yidhi; “Ma jiraan wax fur-furi kara ahmiyadda dhaqaale ee Afrika iyo dhulkeeda dihan haddii aan lasoo af-jarin dhaqanka Musuqmaasuqa. Mana aha musuqmaasuqu wax u gaar ah Afrika, balse waxa kaalin ku leh kuwa la Ganacsada Qaaraddan Afrika. Caalamka oo dhan wuu ka jiraa Musuqmaasuqa, xitaa Mareykanka wuu ka jiraa, balse halkan (Afrika) wuxuu ka noqday Kansarka oo kale, waxaana la musuqmaasuqaa Bilyanaad Doollar oo la gelin lahaa horumarinta Waxbarashada iyo Caafimaadka Afrika.”

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment