Qaadi Guud, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, Alle haydin gargaaree, guddoonkii aad gaadheen adiga iyo qaadiyada kale ee Maxkamadda Sare, Somaliland baa guulaysatay. In la garamaa guulaysatay. Garsoorka Somaliland baa guulaystay, Dastuurka Somaliland baa guulaystay.
Waxa jira caalamka “Dawlad Qaanuun” iyo “Dawlad Buuliis”. Shalay Somaliland waxay ka guurtay ‘Dawalad Buuliis” oo waxay u guurtay “Dawlad Qaanuun”. Dawladda Qaanuunka waxay ilaalisaa xuquuqda madaniga ah, dastuurka, shariciga, iyo nabadda. Dawladda Buuliiskana waxay ilaalisaa maamulka oo ay xoog iyo qori caaradii ku ilaalisaa. Dastuurka iyo sharcigana waa baal martaa.
Intii hore dhaqan Dawlad Booliis ayaynu lahayn. Shalayse (23 Juulay 2015, oo noqotay maalin taariikh ah) waxaynu yeelanay dhaqan Dawald Qaanuun. Sidaa darteed, Somaliland baa guulaystay.
Xisbiyada mucaaridka ee garnaqsaday ee gartii helay baa guulaystay. Maxkamadda Sare iyo Garsoorka Somaliland ee caddaalad ku garnaqay baa guulaystay. Xumuumadda Somaliland ee gartii laga helay ee qaadatay baa guulaysatay. Dastuurka Somaliland iyo “Dawlad Qaanuun” baa guulaystay. Alle haydi gargaaree, Qaadi, shalay, 23 Juulay 2015, Somaliland baa guulaystay.
Sidaa darteed, waxaan soo jeedinayaa, 23 Juulay in laga dhigo Maalinta Dastuurka Somaliland. Maalintaas oo gaar u noqonaysa dastuurka baahintiisa, barashadiisa, xishmayntiisa, falanqayntiisa, soo jeedinta wax ka bedelkiisa, iyo ku dhaqankiisa.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment