Hargeysa, 23 July, 2015 (Himilo)- Alle naxariistiisa Janno haka waraabiyee waxa shalay magaalada Hargeysa ku geeriyooday Sheekh Cabdilaahi Diiriye Sooraan oo sannadihii u dambeeyey ka mid ahaa culimada dalka, isla markaana hore uga mid ahaan jiray Shakhsiyaadkii seeska u dhigay Fanka iyo Masraxa Suugaanta Soomaalida.
Sheekh Cabdilaahi Diiriye Sooraan oo muddooyinkii u dambeeyey xannuunsanayey, ayaa ku geeriyooday mid ka mid ah cusbitaallada gaarka loo leeyahay ee caasimadda oo uu xaaladdiisa caafimaad lagu dabiibayey.
Waxa Geerida Marxuumka ka hadlay Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi oo ka tacsiyeeyay ehelkii, qaraabadii, Culimada dalka ee uu marxuumku ka baxay.
Sheekh Cabdilaahi Sooraan oo sannadihii u dambeeyey ka mid ahaa culimada dalka, waxa uu Madaxweynuhu marxuumka ku tilmaamay haldoor qiime weyn iyo sumcad ku lahaa bulshada Soomaalida dhexdeeda isla markaana qayb laxaad leh ka soo qaatay horumarintii Fanka Soomaalida, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada, kaas oo lagu faafiyey dhambaalka tacsida ah ee madaxweynuhu kaga hadlay shakhsiyaddii Marxuum Cabdilaahi Diiriye Sooraan. “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, guud ahaan Culimada Dalka, waxgaradka, waayeelka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Sheekh Cabdillaahi Diiriye Sooraan oo maanta 22/07/2015 ku geeriyooday Hargeysa.
Madaxweynaha oo marxuumka shaqsiyadiisa ka hadlay ayaa sheegay inuu marxuumku ka mid ahaa culimo-awdiinka dalka in muddo ahna ka addimi jiray Masjid Nakhiil oo ka mid ah masaajida caasimadda, isaga oo horena uga mid ahaa bahda Fanka iyo suugaanta ee dhanka wanaagsan shacbiga ugu cabira kolba wixii talo iyo tusaale ah ee u baahan tilmaan, si ay uga feejignaadaan una ilaashadaan wada jirkooda iyo wada noolaanshahooda, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa waayeelka muxtarimka ah ee sida weyn looga qadariyo guud ahaan dhulka Soomaaliu degto.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, culimadii, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa tacsi u diray ehelka, qaraabada, culimada iyo shacabka Somaliland ee uu Marxuumku ka baxay.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment