Hargeysa July 24, 2015(Himilo)-Guddoomiyaha kuxigeenka sadexaad ee xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)ayaa walaac ka muujiyay shirka ay ku baaqeen xisbiyada mucaaridka oo uu sheegay inaanay xisbiyada mucaaridka dhexdoodu isla fahansanayn ujeedada shirka loogu baaqay.
Mujaahid Cali Guray qoraal uu soo dhigay barta uu kuleeyahay facebooga oo kaga hadlayo arintan ayaa u dhignaa sidan:-
Waxad moodaa in madmadow badan oo ku saabsan shirka mucaaridka ee xisbiyada mucaaridku qabanqaabadiisa leeyihiin uu jiro oo xataa mucaaridka dhexdiisa aan si loo wada fahmsanayn oo ay jiraan shakhsiyaad u dhigaya inu yahay Sharwayne Qaran oo loo wada dhanyahay halka kuwo kalena ay u arkaan shir wada tashi oo mucaaridku ka yeelanayaan marxaladdan adag isla markaana xasaasiga ah ee dalku marayo. Waxa muuqata in aan Shirka ajandihiisa, ujeedoyinka laga leeyahay iyo kuwa laga kala leeyahayba, iyo weliba natiijooyinka laga fili karayo inay shirka ka soo baxaan aan midna la isla meel dhigin ama aan la qeexin.
Waxa kale oo iswaydiin leh cida gacanta ku haysa maaraynta hawlaha shirka oo ay durbo muuqato in aan loo sinayn taladuna aad moodo in meel gaar ah laga hagayo.
Sida daraadeed kama fursan karto inta aan hore loogu sii socon in si mug leh la isula qaadaa dhigo shirkan arimihiisa oo dhan si looga hortago inu muran ka dhex dhalin karo mucaaridka iyo xisbiyada gudahooda.
Wa Bulaahi Tawfiiq
Cali Maxamed Yussuf
Ku Simaha Gudoomiyaha
xisbiga UCID
No comments:
Post a Comment