Hargeysa, 26 June, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxda Dhaqanka ugu baaqay inay ka fogaadaan ka-hadalka Arrimaha Siyaasadda isla markaana ku koobnaadaan Howlaha dhaqanka ee loo igmaday, haddii kale ay faraha ka qaadaan masuuliyadda dhaqanka ee umadda ay u hayaan, kuna soo biiraan Xisbiyada siyaasadda ee dalka.
Eng Faysal Cali Waraabe oo shalay warbaahinta kula hadlayey garoonka diyaaradaha ee Cigaal oo lagu soo dhaweeyey kaddib markii uu ka soo laabtay socdaal uu dalka dibaddiisa ugu maqnaa, waxa uu soo jeediyey in la sameeyo sharci Salaadiinta ka horjoogsanaya ka-hadalka iyo inay saamayn ku yeeshaan Siyaasadda dalka.
“Salaadiinta waxaan leeyahay ha ka baxaan Siyaasadda, waa in sharci laga soo saaraa Salaadiintan iyagu baabinaya masiir umadi goosatay, Suldaankii doonaya inuu siyaasad ka hadlo, dee asxaabta ha soo galo oo ha ka baxo Suldaannimada, laakiin madaxda Dhaqanku maaha inay ka hadasho siyaasadda. Boqoradda Ingiriisku kama hadasho siyaasadda,” sidaas ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha UCID waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalku ku sugan yahay wakhtigan, waxaanu ku dooday inaanay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo awood u lahayn inay dalka ka hirgeliso doorashooyin, isla markaana ay lumisay kalsoonidii shacabka iyo beesha caalamka, sidaa awgeed loo baahan yahay dhismaha dowlad loo dhan yahay mucaarad iyo Muxaafadba.
“Dowladda hadda jirta wakhtigeedii wuu dhammanayaa, anigu waxaan u soo jeedin lahaa madaxweynaha in la dhiso dowlad tayo leh, waayo dowladdani malaha Tamar ay kaga baxdo Sannadkaas iyo Lixaas bilood, kalsoonidii shacabka aadbay u lumisay, kalsoonidii beesha Caalamka way lumisay, si kalsoonidaas loo soo celiyo, waxa loo baahan yahay in la dhiso dowlad midnimo Qaran ah oo doorasho inoo qabata,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment