
Sidoo kale, waxa badhasaabka eedayn u jeediyey siyaasiyiin uu ka mid yahay murashaxa madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan oo guddoomiye Ramaax ku dhaliilay culays dheeraad ah iyo cabbudhin uu shacabka gobolka Awdal ku hayo.
Haddaba, in kasta oo badhasaab Ramaax ka gaabsaday inuu ka jawaabo eedaymaha ay madax-dhaqameedka Awdal u jeediyeen, waxa uu u jawaabay Cabdirashiid Xasan Mataan oo sida guddoomiye Ramaax sheegay isaga u weeraray si shakhsi ah.
“Cabdirashiidow ma ihi ninkaad moodeyso, ma ihi nin laga keenay meel aan la garanayn. Waxaan ahayn nin la garanayo meeshuu ka soo jeedo. Waxaan leeyahay, qaawani baynu kuwada hadlaynaa haddii waxyaabaha aan dowga ahayn laysu mariyo saxaafadda. Adigoo ah nin siyaasi ah inaad ka hadasho waxyaabo aan suurta-gal ahayn, waa shaqadayda inaan ka shaqeeyo nabadgelyada. Halkan cidna dulmi kuma xidh-xidhno, awooddaasna waxa leh hay’adaha nabadgelyada iyo maxkamadaha, laakiin waxaanu u xil-saarannahay inaanu sugno nabadgelyada,” Sidaas ayuu yidhi badhasaabka gobolka Awdal oo shalay xafiiskiisa magaalada Boorama kula hadlayey saxaafadda.
Maxamuud Cali Saleebaan oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waan dul-qaadanayaa anigoo aad kuugu tixgelinaya qoyska aad ka soo jeeddo. Haddaad nabadgelyo gobol ama dowladaha jaarka ka hadlayso, horaad wax uga odhan lahayd, Qoyska wax loo tirinayo ee ayaad tahay, kuwa nabadgelyada khal-khalinaya ayaad tahay. Waxaan leeyahay adigiyo Xisbigaad sheegataanba iyo kuwa kula midka ahba, hadallada caynkaas ah ka fiirsada. Waajidanu leenahay ayaanu gudannay, waajib qaran baanu gudanaynaa, meel kasta ooy nala gashana, cidna nabadgelyada uga haybadaysan mayno.”
Murashaxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan oo dhowraan saxaafadda kula hadlay magaalada Boorama, waxa uu Guddoomiye Ramaax ku tilmaamay shakhsi aan la garanayn meel la keenay oo Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo gobolka Awdal ugu magacawday inuu dacaayad aanay lahayn ka abuuro shacabka gobolka, isagoo sheegay in culays dheeraad ah la saaray gobolka isla markaana layska xidh-xidho dadka reer Guuraaga ah ee badeecadaha Caanuhu ka mid yihiin u iib-geeyo magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.
Eedaynta Cabdirashiid Xasan u jeediyey guddoomiyaha Awdal, ayaa daba-soctay kaddib markii uu Md Ramaax soo bandhigay todobaadkii hore hub waaweyn oo walxaha qaraxyada loo adeegsadaa ku jiraan oo ciidamada Ammaanku gacanta ku dhigeen, isla markaana lagu tilmaamay hub khatar ku ah Ammaanka Somaliland iyo waddamada Deriska ah. Haseyeeshee, madax-dhaqameed iyo odayaal reer Awdal ah oo arrintan ka hadlay, ayaa ku dooday inuu ahaa hub in muddo ah ku xeraysnaa Guryo dowladdu leedahay oo ku yaalla degmada Baki, isla markaana ay xukuumaddu warkiisa haysay.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment