Kulankan oo lagu sheegay kii afraad ee noociisa oo ay wada-jir u qabanqaabiseen Wasaarada cadaaladda dalka Jabuuti iyo ururka Midowga Yurub u qaabilsan la-dagaalanka budhcad-badeedka ee EUCAP Nestor oo 15-kii ilaa 16-kii bisha socday, ayaa qoraal gunaanadkii shirka ee shalay laga soo saaray waxa lagu sheegay inay ka qayb-galeen xeer-ilaaliyeyaal ka socda Somaliland, Soomaaliya, Puntland iyo Gal_mudug oo lagu casuumay, ujeeddadiisuna ay ahayd si ay waaya aragnimo ugu yeeshaan maxkamadaynta budhcad-badeedka.Muhiimada tababarka ayaa alagu sheegay sidii ka qeybgalayaashu uga korodhsan lahaayeen waaya aragnimo sida loo xukumo budhcad badeedka oo ka qeybgalayaasha intooda badani aanay hore u arkin.
Hawl-galka Midowga Yurub ee la-dagaalanka Budh-badeedda ee EUCAP Nestor oo soo qabanqaabiyey tababarkan ayaa sheegay inuu yahay kii afaraad, ujeedadiisu tahay sidii xeer-ilaaliyeyaashu ugu korodhsan lahaayeen aqoontooda, ulana wadaagi lahaayeen waayaaragnimada xeer-ilaaliyeyaal wadamada kale oo khibrad u leh maxkamadaynta budhcad badeedka.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Somaliland, ayaa hore uga qayb-galay shirar lagaga hadlay budhcad-badeedda, maamul-goboleedyada Soomaaliya ka qayb-galeen, kuwaas oo qaarkood lagu qabtay waddanka Jabuuti halka qaar kalena ay ka dhaceen waddamo uu ka mid yahay Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment