
Aaska Marxuumka loo sameeyey waxa ka qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Guddoomiyeyeyaasha Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada, Wasiirro, xildhibaanno, Madax-dhaqameed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaanay dhammaan masuuiyiinta ka tacsiyadeeyeen Qoyskii, Qaraabadii, madax-dhaqameedka, Culimada iyo Ganacsatada dalka ee Marxuumku ka baxay.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa tacsi u diray madax-dhaqameedka, qoyska iyo ehellada uu ka baxay marxuum Suldaan Xasan Maxamed oo uu tilmaamay shakhsi ka soo qayb-qaatay nabadeyntii iyo dib-u-dhiskii dalka, sida lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada, kaas oo u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada, iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim oo ku geeriyooday Hargeysa 16/06/2015.
waxaanu madaxweynuhu tacsi taasi la mida u dirayaa Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxay Alle ha u naxaristee Marxuumku,
waxaanu ku tilmaamay suldaanka tiir ka baxay hogaanka dhaqanka kana soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”
Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa tacsi u diray madax-dhaqameedka, culimada, Ganacsatada, ehelka iyo qaraabada marxuumku ka baxay, sida lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo ka soo baxay xarunta Dhexe ee Xisbiga Waddani.
“Guddoomiyaha aqalka Golaha Wakiilada ahna guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Sulaadiinta, Cuqaasha, Ugaasyada, Culimada, Ganacsatada, Aqoonyahanka iyo dhammaanba shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alleh ha u naxariistee Marxuum Suldaan/Sheekh/Ganacsade Maxamed Xasan Ibraahim Fidhin oo xalay ku geeriyooday cisbitaalka Weyn ee Hargeysa. Waxaa kale oo guddoomiye Ciro uu tacsi taas la mid ah u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii iyo dhammaanba Asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, isaga oo sida oo kalena ku sifeeyey Marxuumku in uu ahaaa Suldaan muddo dheer ka soo shaqeeyey illaalinta nabad-galyada Somaliland, sida oo kalena ahaa ganacsatada dhifta ah ee Somaliland ka hirgaliyey hanaanka casriga ah ee ganacsiga Somaliland, waxaa kale oo uu ahaa marxuumku Sheekh ka mid ah culmida waaweyn ee dalka isla mar ahaantaana uu ahaa Marxuumku shakhsi ku caan ah caawinta dadka masaakiinta kuna suntanaa shakhsi ka shaqeeya horumarka Somaliland.
Guddoomiye Ciro, waxaa uu Illaahay uga baryeyaa in uu Marxuumka godka u nuuriyo, janatul Fardawsana ka waraabiyo sida oo kalena uu samir iyo iimaan ka siiyo Ehelkii, Qaraabadii, Culimada, Ganacsatada, Madax-dhaqameedka iyo dhammaanba umadda reer Somaliland.”
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment