Wednesday, June 17, 2015

Cabdiwali Gaas oo Isku-shaandhayn ku sameeyey Golihii Wasiirrada iyo xubnaha ku cusub

Garowe, 17 June, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa xalay ku dhawaaqay Isku-shaan-dhayn uu ku sameeyey sameeyay qaar kamid ah golihiisa wasiirada, taas oo isugu jirta xil-ka-qaadis iyo Magacaabis Cusub.
Wasiirrada Xilalkooda waayey waxa ka mid ah xubno ay saaxiibbo dhow ahaayeen, kuwaas oo uu ka mid yahay Wasiirkii waxbarashada iyo tacllinta sare Cali Xaaji Warsame. Waxa kale oo liiska xubnaha xilka laga qaaday ku jira wasiirkii Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Ismaaciil Maxamed Warsame oo todobaadkan isu-casilay khilaaf soo kala-dhex-galay madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas.
Puntland cabinet (1)Sida uu warbaahinta u akhriyey afhayeen u hadlay madaxtooyada maamulkaas, liiska golaha wasiirada maamul-goboleedka Puntland oo ay ku jiraan Siddeed xubnood oo xilalka ku cusub, inta kalena ay yihiin kuwii hore, ayaa u qornaa sidan:
Liiska Magacyada Golaha Wasiirrada Ee Lagu Dhawaaqay;
1-Wasiirka Caafimaadka, Cabdinaasir Cismaan Ciise.
2-Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah, Shire Xaaji Faarax.
3-Wasiirka Amniga, Cabdi Xirsi Cali Qarjab.
4-Wasiirka Haweenka, Aniso Cabdiqaadir Xaaji Muumin.
5-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
6-Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Cabdirashiid Maxamed Xirsi
7-Duulista Hawada, Xasan Xaaji Siciid.
8-Wasiirka Beerahaha iyo Waraabka, Cabdullaahi Cali Xirsi.
9-Wasiirka Caafimaadka, Cabdinaasir Cismaan Ciise
10-Wasiirka Deegaanka, Cali Cabdullaahi Warsame
11-Wasiirka Qorsheynta, Shire Xaaji Faarax.
12-Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Cabdi Cismaan Maxamed.
13-Wasiirka Dastuurka, Feysal Cabdi Cali Gaas.
14-Wasiirka Maaliyadda, Cabdullaahi Sheekh Axmed.
15-Wasiirka Warfaafinta, Maxamuud Xasan Soo-cade.
16-Wasiirka Waxbarashada, Abshir Aw-Yuusuf Ciise.
17-Wasiirka Cadaaladda, Saalax Xabiib Xaaji Jaamac
18-Wasiirka Kalluumaysiga, Cabdinuur Cilmi Maxamuud
19-Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle.
20-Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdullaahi Jaamac Saalax.
Wasiirrada xilalkooda waayey
1. Xasan Cismaan Maxamuud Alloore Wasiirka Amniga
2. Ismaaciil Maxamed Warsame, Wasiirka Caddaladda arimaha diinta
3. Cali Axmed Faatax, Wasiirka Qorsheynta & Xidhiidhka Caalamiga ah
4. Cabdullaahi Cali Ducaale, Wasiirka Xaanada xoolaha
5. Cali Xaaji Warsame Wasiirka Waxbarashada
6. Dr.Saadiq Eenow Wasiirka Wasaaradda Caaafimaadka
7. Cabdi Ismaaciil Boos Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
8. Guuleed Saalax Barre Wasiirka Deegaanka dalxiiska iyo duurjoogta.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment