
Dadkan qaxoontiga ah ee doonidda Dahabshiil sida bilaashka ah u soo qaaday oo u badan dumar, carruur iyo dad waawayn, waxa dekedda lagu siiyey cunto bilis iyo cabbitaanno shirkaddu u sii diyaarisay, halka dhawr qof oo jilicsan lagu qaaday baabuurta gurmadka caafimaadka oo daawayn loo dhigay cusbitaalka magaalada Berbera.
Maareeye-ku-xigeenka Dahabshiil Cabdi Faarax Axmed oo hoggaaminayey saraakiil shirkadda ka tirsan oo dekedda ku qaabilay qaxoontigaasi, ayaa sheegay inay shirkad ahaan ku faraxsan yihiin inay u gurmadaan dadkaasi jilicsan ee qaxoontiga ah oo ay sii wadi doonaan tabaruca ay ku soo qaadi doonaan.
“Doonidan oo ka mid ah gaadiidka badda ee shirkadda Dahabshiil waxay dadkan qaxoontiga ah ka soo qaaday dalka Yemen, kuwaas oo aannu si bilaash ah u soo qaadnay waxay shirkaddu u sii diyaarisay wixii ay raashin ay cuni lahaayeen markay soo degeen, dadkani waxay u badan yihiin maati jilicsan oo dumar iyo carruur ah. Markaa doontani waxay noqon doontaa mid mar walba si bilaash ah u soo qaada dadka qaxoontiga ah oo markii u horreysay noqonmayso. Meelaha kale ee qaxoontiga Yemen ka soo degaan ee aannu xafiisyada ku leenahayna sidaa si le’eg ayaa loo qaabilay,” ayuu yidhi Mr. Cabdi Faarax.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment