
Waxa uu Wasiirku sidaas ku sheegaya qoraal kooban oo uu ku baahiyey bogga uu ku leeyahay mareegta xidhiidhka bulshada ee Facebook, waxaanu ku sheegay sidan:- “Waxaa Mahad mudan Allaha S.W.T dalka nagu soo nabad-celiyey aniga oo ka mid ahaa wefti uu hogaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud oo maalmihii u dambeeyey safar shaqo ku joogay dalka Imaaraadka Carabta.
Ujeedada Safarkan oo daarnaa dardar gelinta Mashaariic horay dawlada Imaaradka Carabtu u balan qaaday in ay ka caawin doonto dawlada Somaliland iyo gudbinta kuwo cusub ayaa ku soo dhamaaday guul iyo rajo iftiin badan
Mashaariicda ayaa awooda saarayey dhinacyada aasaasiga u ah nololsha oo ay kamid yihiin: Biyaha, Caafimaadka, Korontada, Kaabayaasha Dhaqaalaha, gacan siinta Qaxootiga tirade badan ee Somaliland marti galisay iyo adkaynta xidhiidhka labad dal ayaa dhamaantood ahaa kuwo wax badan ka taraya hana qaadka dawlada qaan-gaadhka ah ee Somaliland
Waxaa xaqiiq ah maadama dunidu maanta tahay qol kaliya isla markaana ay saamayn togan iyo tabban-ba isku leeyihiin dalalka kala duwan ee dunida ku wada nooli in Somaliland dhankeeda laga caawiyo dhinacyada kala duwan ee horumarka si ay gacan buuxda beesha caalamka uugu siiso adkaynta nabadgelyada iyo iskaashiga dhaqaalaha.
Masuuliyiinta Imaaraadka Carabta ayaa dhankooda muujiyey sida ay uga go’an tahay caawinta dawladda Somaliland iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la caawiyo dal dadkiisu dhisteen isla markaana ah xaqiiq aan la qarin Karin,” Sidaas ayuu wasiirku ku sheegay Qoraalkiisa.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment