
“Waxa baryahan jiray Heshiis ay Xukuumaddu gashay oo ah dekedda Berbera, waxa kale oo aynu maqlaynaa in Buuraha Siimoodi shirkad kale la siiyay oo halkaas laga baadhayo macdan. Waxaa kale oo jiray shirkad hebal ayaa heshiis lala galay, sida uu dastuurku qorayo xukuumaddu iyada ayaa talada haysay iyada ayaanu dooranay, laakiin Heshiis Kasta oo ay gasho waxa ku waajib ah in ay baarlamanka keento si loo ansixiyo, heshiis aan Baarlamanka soo marin ansax manoqon karo,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cabiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.
Dhinaca kale, Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu shacabka Somaliland ugu baaqay in ay ka qayb-qaataan diwaan-galinta Cod-bixiyayaasha, isagoo sheegy inaanay waxba iska beddelin wakhtigii loo muddeeyey oo ku aaddan bisha Ramadan kaddib, waxaanu yidhi, “Waxaad ka warqabteen inuu Komiishanku gooyay wakhtiga ay diwaan-galintu bilaamayso, madaxwaynahuna ku soo saaray Digreeto, waxba iskamay Beddelin hawshaas, dhamaan Tageerayaasha Xisbiga waxaan leeyahay u diyaar garooba Diwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha oo bilaabmi doonta Ciidda Ka bacdi. Muwaadinkasta waxa uu codayn Karaa marka uu isdiwaan-galiyo inuu Muwaadin yahay, Markaas qofkasta oo sharcigu u ogal yahay waa inuu u diyaar garoob inuu is-diwaan-galiyo.”
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment