Wednesday, June 17, 2015

Heshiis laga gaadhay Mashruuca Buurta Siimoodi, masuuliyiin iyo wax-garad ka hadlay

Baki, 17 June, 2015 (Himilo)- Xukuumadda iyo wax-garadka deegaanka Siimoodi ee degmada Baki, ayaa is-afgarad ka gaadhay hawl-gallo macdan baadhis ah oo shirkad waddanka Shiinaha laga leeyahay ka waddo Buuraleyda Siimoodi, kaas oo muddooyinkii u dambeeyey khilaaf adagi ka dhex-taagnaa, kaddib markii ay dadka deegaanku caddaalad-darro ku tilmaameen heshiis dhex-maray shirkadda iyo xukuuumadda.
siimoodiWasiirka Xidhiidhka Goleyaasha, Wasiirul-dowlaha wasaaradda Macdanta, Badhasaabka Awdal iyo masuuliyiin kale oo socdaal ku gaadhay deegaankaas, ayaa la kulmay madax-dhaqameedka iyo Wax-garadka ah degmada Baki.
Haseyeeshee, in kasta oo aanay saxaafaddu goob-joog ka ahayn kulanka iyo waxyaabaha lagaga wada-hadlay, waxa si wada-jir ah warbaahinta kula hadlay, Wasiirrada metelayay dhinaca xukuumadda iyo Odayaasha deegaanka Siimoodi, kuwaas oo sheegay inay soo af-jareen murankii ka taagnaa hawlaha macdan-qodiska shirkadda Shiinaha oo Xukuuumadda Madaxweyne Siilaanyo heshiis la gashay.
Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo madasha ka hadlay, ayaa sheegay in la soo af-jaray khilaafkii jiray isla markaana ay shirkaddu bilaabmayso hawlaha macdan-qodista. “Halkan heshiiskeedii wuu dhammaaday, howshiina way inoo bilaabmaysaa,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Ramaax.
Wax-garad iyo Odayaal warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay u hoggaansamaan is-garadka dhexmaray weftiga xukuumadda, “Haddii ay shaqo fiican ka bilaabantay, meeshuna ay macdanley tahay, dadkeediina nolol maalmeedkeedu daciif yahay, dowladda waxaanu faraynaa, dadka xuquuqdiisa idinkaa ka msuul ah, dhaqaalihiisa, dhaqaalihiisana iyo ka-warhayntiisana idinkaa ka masuul ah,” Sidaa waxa yidhi Suldaan
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Haddii laysla gartay in Shiinuhu sii shaqeeyo, annaguna waanu la qaadannay,” ayuu yidhi.
Sidoo kale, waxa halkaas ka hadlay Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Cali Xaamud Jibriil oo deegaan ahaan ka soo jeeda gobolka Awdal, ayaa goobta ka ballan-qaaday inay dadka deegaanku helayaan xuquuqda ay ku leeyihiin hawlaha macdan-qodista ah ee shirkaddu ka waddo deegaankooda, “Waa markii u horeysay ee Liisan noocan ah la bixiyo dalka, waana la qodayaa, marka la qodana, wixii xuquuq ah ee aad leedihiin annagaa idiinka masuul ah ood nagu ogtihiin, wixii ka soo baxaana ku ekaan-maayo halkan ee gobolka oo dhan buu wada-gaadhi doonaa,” sidaas ayuu yidhi Cali Xaamud
Odayaasha iyo wax-garadka deegaankaas, ayaa Madaxweyne ku-xigeenka iyo wasaaradda Macdanta hore ugu soo gudbiyey shuruudo Afar qodob ka kooban oo ay ku dalbadeen shaqaale deegaanka ah oo shirkaddu hawl-galiso, adeegyo Caafimaad iyo waxbarasho loo sameeyo. Haseyeeshee, dalabkoodaas oo laga jawaabi waayey, ayaa sababay in dadka deegaanku horjoogsadaan hawsha macdan-qodista, taasoo sababtay in maamulka gobolku xabsiga u taxaabo odayaal iyo wax-garad deegaanka ah.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment