New York, 14 June, 2015 (Himilo)- Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, ayaa garownshiiyo ka bixisay wer-werka dhinaca ammaanka ee Somaliland ka muujisay Qaxoontiga isugu jira Soomaalida iyo Carabta ee ka soo cararaya dagaallada dalka Yemen, kaas oo ay ku tilmaantay inay ku soo dhuuman karaan Kooxo xag-jir ah oo tabobar iyo waayo-aragnimo ka soo qaatay Al-Qaacidada ka hawl-gasha dalka Yemen.
Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliiya iyo Somaliland, Danjire Nicholas Kay oo ka qayb-galay kulan ballaadhan oo uu soo qaban-qaabiyey Macadka Caalamiga ah ee Nabadda oo Su’aalo lagu weydiiyey, ayaa sheegay inay aaminsan yihiin halis dhinaca ammaanka oo qaxootiyada ka soo cararaya dagaalada Yemen ku yeelan karaan Somaliland iyo Soomaaliya.
Danjire Nicolas Kay waxa kale oo uu sheegay inaanu waxba ka ogeyn xilliga ay dib u bilaabmi doonaan wada-xaajoodyadii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, balse waxa uu qiray inay jiraan dedaallo dib loogu bilaabayo wada-xaajoodyadaas.
Mar uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey wada xaajoodyadii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomalaiya ayuu yidhi, “Waxa xaajoodkii u dhexeeyey Somaliland iyo xukuumada Muqdisho meelna ma gaadhin, markii u dambaysay waxay ku burbureen dalka Turkiga, ilaa imikana ma hayo wakhti cusub oo loo qabtay dib u bilowga wada xaajoodkaa,” isagoo raaciyey.”
“Dhab ahaantii waa dariiq aanu dhiirigelinayno, dawlada Turkiga oo martigelisay wada xaajoodyada way ku dedaalayaan sidii dib loogu noqon lahaa, laakiin ilaa immika ma hayo wakhti loo qabtay, inkastoo aan rajeynayo inay iman karto,” ayuu yidhi Danjire Kay.
Mr. Kay oo wax laga weydiiyey xaalada qaxootiga ka soo laabanaya dalka Yemen iyo werwer laga qabo in argagxiso isku soo dhexqariyaan ayaa ku jawaabay, “Werwerkaasi wuu jiraa oo Somaliland iyo xukuumada Soomaaliya way ka muujiyeen, inkastoo weli aan la helin dad looga shakiyo argagaxiso oo isku soo qariyey qaxootiga soo noqonaya, laakiin hadii iyagu werwer ka muujiyeen waa inaan aqbalnaa,” Sidaas ayuu yidhi Danjire Nicholas Kay. Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment