Wednesday, June 17, 2015

Madaxweynaha oo Shacabka ku Guubaabiyey Ilaalinta Cibaadada iyo Gudashada Waajibaadka Bisha Ramadaan

Hargeysa, 17 June, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaayo), ayaa shacbiga Somaliland ku booriyey inay ilaaliyaan Cibaadada isla markaana ay sideeda u gutaan waajibaadka diini ah ee bisha Barakaysan ee Ramadaan oo la filayo caawa inay bilato.
DSC_0419Md Axmed-Siilaanyo oo ka qayb-galay xaflad loo sameeyey sannad-guuraad 2aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay Idaacadda FM-ta ah ee Qur’aanka Kariimka, waxa uu shacbiga ku baraariyey inay ilaalinta nabadgelyada isla markaana laga fogaado wax kasta oo Eebbe ka xarrimay dadka muslimiinta ah.
“Maalinta Khamiista ee sahan-dambe (Berri) waxa inoo bilaabmaysa bishii Barakaysnayd ee Ramadaan, shacbiga Somaliland meel ay joogaanba waxaan u dirayaa Hambalyo, waxaanan ku guubaabinayaa inay waajibka Illaahay ina saaray sidiisa u gutaan, waxaan ku baraarujinayaa inay ilaaliyaan cibaadadooda, nabadgelyadooda iyo midnimadooda oo aynu ka fogaanno wixii Illaahay innaga reebay iyo wax kastoo Shaydaanku jecel yahayba,” Sidaas ayuu yidhi Md Axmed-Siilaanyo.
Madaxweynaha oo ka hadlayey Qiimaha ay leedahay Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah oo uu xusay in Shacbigu si weyn u soo dhaweeyeen, waxa uu yidhi, “Waxa farxad weyn inoo ah inay Idaacaddii Qur’aanka Kariimka ee FM-ta ah ay laba-jirsatay, idaacaddaas oo shacbiga reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan ay u riyaaqeen, kana faa’idaysteen.”
Waxa maanta (shalay) dhammaaday tafsiirkii Qur’aanka Kariimka ahaa ee ka socday Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah, Sheekhii marinayey iyo intii la socotayna Illaahay Ajarkeeda ha siiyo. Illaahay baan uga mahad-naqaynaa nimcadaas, waanan ku sii wadaynaa.” Sidaas ayuu yidhi Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment