Munaasibadda oo lagu qabtay Hotel Crown ee Hargeysa, waxa Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Guddida fulinta, hoggaanka xisbiga, garabka haweenka, garabka dhalinyarada, xildhibaano, madax-dhaqameed, haween, dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta aniga iyo taageerayaashayda oo kala jooga dhammaanba gobalada iyo dalka dibaddiisuba aan ku soo biro xisbiga Waddani, waxaan aan leeyahay taageerayaashayda aad ayaad ugu mahad san tihiin intiina iga maqan ee farxada igula ciidaysa, waxaana inoo balana haddii Illaahay yidhaahdo Ramadaanta dabadeeda, waxaana aan kaalin muuqata ka qaadan doona dedaalka xukuumadda hada jirta kursiga lagaga tuurayo innaga oo farteena adeegsanayna,”Sidaas ayuu yidhi Axmed Xasan Cali (Like).
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo isna halkaas ka hadlay, ayaa yidhi,“Hal qodob ayaan idiin sheegayaa qoladiinan reer Hargeysa, horta Berberi waa ay isdaba socotaa oo waxay dhisaysaa madaxweynaheeda ilayn kala gobal gobal ayaa aynu nahee, Saaxil waa ay ogtahay cidda halkan ka sharaxan Axmed Xasan Cali.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo ka hadlay munaasibadda, ayaa sheegay in uu aad u soo dhaweynaayo siyaasiyiinta iyo taageerayaasha ku biiray Xisbiga Waddani oo uu ku tilmaamay xisbiga aan la kala lahayn.
“Siyaasi Axme Cali Like, taageerayaasha faraha badan, siyaasiyiinta, haweenka iyo dhalinyarada la socdaba ee maanta go’aan saday in ay xoojiyaan oo xoogooda iyo cududoodaba ay ku soo biiriyaan xisbiga Waddani, farxad weyn ayaa ay noo tahay, waxaana aanu idin leenahay ku soo dhawaada xisbiga Waddani. Waxaa kale oo aan anigu si gaar ah ugu sii faraxsanahay in dhammaanba aanu taageerayaasha isku gobal ka soo jeedno, taasina farxad gaar ah ayaa ay ii tahay, waxaan sida oo kale aad iyo aad ugu kalsoonahay in aad xisbiga ku soo kordhin doontaan cududdiina, taladiina, dhaqaalahiina iyo codkiinaba. Munaasibada u jeedada aynu u qabanay waxaa ay ahayd in aynu soo dhaweyno mudane Axmed iyo dhammaanba taageerayaasha, waxaan maanta innaga oo u wada dhan aynu ku soo dhaweynaynaa halkan, waxaana aanu leenahay maanta xisbiga waad ku soo biirteen laakiin xisbi la idin ka leeyahay maaha oo kii hore u joogay iyo kuwii maanta u yimiba taladiisa waa ay u siman yihiin,” ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment