
“Dawadan dhacday ee aanu maanta (shalay) ku gubayno si aanay bulshada u dhexgalin oo aanay caafimaadka bulshada wax u yeelin, waxay ahayd dawo iyadoo wakhtigay dhacayso wax yari ka hadhsan yihiin oo hadday gudaha dalka gashana aanay suuro gal ahayn inay dawadani ku dhammaato.”
Dawadan oo ah ta TB-da loo isticmaalo, waxaanu ku joojinay madaarka oo ay taalay bakhaarka Alaabta lagu cashuuro ee Kastamka, muddadii wakhtigeedu dhacayayna halkaas bay taalay, waxaana noo suuro gashay maanta inaanu soo qaadno oo aanu gubno,” ayuu yidhi Maareeye Cali Biikolo.
Mr Biikolo, waxa uu sheegay in maamulka iyo shaqaalaha kastamka Madaarka iyo ilaalada Madaarka ka qayb-qaateen ogaanshaha dawadaasi isla markaana ay iyaga ku war-geliyeen.
Maareeyaha hay’adda Dhowrista tayadu waxa uu baaq u diray ganacsatada, waxaanu yidhi, “Waxaan aad iyo aad baaq ugu soo jeedinayaa dhammaan dadka Somaliland iyo dadka kale ee ganacsiga keena Somaliland ama ka sii gudbiya, waa inay Illaahay kaga cabsadaan masuuliyadda ay hayaan, oo ay si xalaal ah u ganacsadaan oo ay iska daayaan waxyaabaha qishku ku jiro ama been abuurka ah iska ilaaliyaan, iyagaa masuuliyadda ugu horaysaa ka saaran tahay oo og waxay dalka soo galinayaan.” Maareeyuhu ma sheegin caddadka daawada iyo cidda iska leh.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment