Cali Maxamed Yuusuf oo shalay u warramayey telefishanka madaxa-bannaan ee Star TV, waxa uu dareen-celiyey raalli-gelin uu Daahir Rayaale dhowaan ka siiyey bahweyntii iyo siyaasiyiintii UDUB oo madaxweynihii ku-xigeenkii hore, Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan Mataan ka mid yihiin, isagoo ka raalli-geliyey burburkii ku yimi Xisbigooda iyo go’aankii uu murashaxnimadiisa ugu wareejiyey Cali Maxamed Wara-cadde oo Md Daahir Rayaale ku tilmaamay siyaasi hankiisu aanu dhaafsiisnayn Xil-wasiirnimo.Cali Guray oo ka hadlayey sida uu u arko Raalli-gelinta Daahir Rayaale iyo eedeayn uu u jeediyey Cali Wara-cadde, waxa uu yidhi, “Bani’aadamku wuu khaldamaa, haddii uu qaladkiisa qirto, waa wax la soo dhawayn karo, laakiin ninka aan la hadlayaa waxa weeyi Cali Waran-cadde oo ku faanay ‘waxaan soo bur-buriyey UDUB, hankiisuna sida uu Rayaale sheegay aanu dhaafsiisnayn wasiir. Cali maaha Nin Qaran wax u doona, Cali maaha Nin Qaran, Nin Qolona maaha, Nin Qoysna Maaha, waa nin Qof, Cali naftiisa ma dhaafsiisna.”
Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) oo ahaa afhayeenkii Xisbigii burburay ee UDUB, ayaa ka mid ahaa garab Xisbigaas ka tirsan oo uu hoggaaminayey Jamaal Cali Xuseen oo badhtmaha sannadkii 2012-kii ku biiray Xisbiga mucaaradka ah ee UCID.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment