Wednesday, June 17, 2015

Khasaaraha ka dhashay Iska-horimaad Dhexmaray Ciidanka Booliska & Dabley Hubaysan, tirada la qab-qabtay iyo Taliyaha oo ka hadlay

“Ciidanka boolisku u dul-qaadan-maayo cid kasta oo hub soo qaadata… waa arrin sharciga khilaafsan had iyo jeer ay isticmaalaan dadka dhul-cunka ah”

Hargeysa, 17 July, 2015 (Himilo)- Iska-horimaad hubaysan oo khasaare nafeed sababay, ayaa shalay gelinkii hore Ciidamada Booliska iyo Koox dabley ah ku dhexmaray deegaanka Masallaha ee Koonfurta Hargeysa.
taliyahaIska-horimaadka, ayaa dhacay kaddib markii ciidamada booliska oo ka war-helay dhaq-dhaqaaqa dableyda oo tiradooda lagu sheegay dhowr iyo toban nin, ay gaadheen goobta ay ku sugnaayeen, halkaas ay isku-weydaarsadeen is-raasasayn sababtay dhaawac soo gaadhay mid ka mid ah kooxda dabayda ah oo markii dambe qaarkood gacanta lagu dhigay.
Kooxda Dableyda ah iyo hawl-galkooda ayaa la sheegay inay xidhiidh la leedahay dhacdo salka ku haysa muran xagga dhulka ah oo todobaadkii hore sababtay dhimashada hal qof, ayaa ciidamada boolisku gacanta kaga dhigeen todoba ka mid ah, saddex baabuur iyo dhowr qori oo noocoodu yahay AK-47, sida uu sheegay taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.
Taliyaha Ciidanka Booliska oo shalay gelinkii dambe arrintan kaga hadlay shir-jaraa’id, waxa uu sheegay inay ciidamada ammaanku wali ku hawlan yihiin baadhista weerarka kooxda Dableyda oo intoodii badnayd ay baxsadeen. “Waxaan halkan idinku sheegayaa war-bixin hor-dhaca oo baadhis ku jirta waana waajib si aan meelahaa war khalan la idiinka siinin, inta kale baadhistii ka hor dhici-maayo oo baadhistii ayaa lagu jiraa, Inshaa Alaahu markay baadhistu gebo-gabowdo wixii ka soo baxa waanu ka jawaabi doonaa markay wakhtigeeda gaadho,” ayuu yidhi Taliye Fadal.
“Saaka (shalay Subax) Abaaro 9:00 Subaxnimo waxa ciidanka Booliska ay odayaal waayeel ahi ku soo wargeliyeen in dhulka Masalaha oo horena dil uga dhacay oo ku taala Koonfurta Magaalada Hargeysa inay rag hubeysan oo gaadhaya ilaa dhowr iyo labaatan ay joogaan, Ciidanka Boolisku iyaga oo gudanaya waajibka ka saran nabadgelyada qaranka Somaliland iyo bulshada reer Somaliland waxay ku baxeen ragga hubeysan oo weliba ka soo jeeda dhinacii falkii dilka nin dhinacooda ka tirsani uu ugu geystay, kadib markii ciidanka boolisku hawlgalkaasi galeen waxay raggaasi kala hor yimaadeen iska cabin ama shaqo iska hortaag hubeysan oo ay rasaas ciidanka booliska ku soo rideen,” sidaas ayuu yidhi Taliye Fadal.
Taliyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Ciidanka boolisku iyaga oo cuskanaya sharciga sida uu sharcigu u baneynayo mar haddii hub lagala hor yimaado, difaacaya naftooda, iyo ta qaranka jamhuuriyada Somaliland iyo bulshada reer Somaliland-ba rasaas ayay qoladaasi (Dabley hubeysan) kaga horeeyeen, ayaa la is-weydaarsaday, rasaastaas hal nin oo qoladii hubeysnayd ee weerarka soo qaaday ayaa dhaawacmay, waxaana goobtaasi laga soo qabtay todoba eedeysane oo uu ka mid yahay eedeysanihii hoggaamiyay kooxdaasi ee sida sharci-darada ah u socotay, waxa kale oo la qabtay saddex Gaadiidkii ay isticmaalayeen. Ciidanka boolisku markii lagala hor yimi rasaasta waxay qabsadeen waajibkoodii, iyaga oo isdifaacaya, qoryahaa hortiina yaala waa hubkii lagu qabtay eedeysanayaasha 4-ta qoriba waa AK-47,waa qoryihii ay ciidanka booliska ku soo ridayeen, waxaanan marka kowaad halkan uga mahad-celinayaa ILAAHAY,marka labaadna Ciidanka booliska Somaliland, dhamaan Saraakiisha Ciidanka Booliska iyo Ciidankii fuliyay hawlgankan”.
Taliyuhu waxa uu sheegay inaanay ciidanka boolisku u dul-qaadan doonin cid hub kala hor-timaadda, isla markaaana ay waajibaadkooda ka gudan doonaan iyagoo adeegsanaya waajibaadkooda sharci. “Ciidanka boolisku u dul-qaadan-maayo cid kasta oo hub soo qaadata, ama Magaalo ha ahaato, ama meel kale ha ahaato, waa arrin sharciga khilaafsan had iyo jeer ay isticmaalaan dadka dhul-cunka ah,Gari laba nin kama wada qosliso, Dhulka labada qof mid uun ayaa helaya, laakin ciidanka boolisku waa fulin oo ay shaqadoodu tahay inay waajibka qaranimo qabsadaan, meelkasta oo nabdgelyo-darro laga soo sheego ma cid hubeysan ciidanka boolisku way ka hawlgalayaan. Cidkasta oo isku dayda inay xoog isticmaasho oo ay hub adeegsato inaanay ciidanka boolisku u dul-qaadanayn oo ay gacan bira ku qabanayaan iyaga oo adeegsanaya sharciga, dadka nooca u dhaqmaana waxay la kulmi doonaan jawaab adag,” Sidaas ayuu yidhi Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment