Wednesday, July 8, 2015

Hab U Socodka Wadooyinka Caasimada Oo Isku Badal Lagu Sameeyay.

Hargeysa July 8, 2015 (Himilo)-Maayir ku xigeenka, Taliyaha Ciidanka Ilaaalada Wadooyinka iyo Guddida bilicda Hargeysa ayaa Si wada jir ugu dhawaaqay in mar kale la kala bedelay Qaabka loo marayo haadadka Waddooyinka halbawlaha ah ee magaalada Hargeysa.

Jidka Hor mara Madaxtooyada oo hore loo mari jiray cadceed ka dhaca (Galbeed)Ayaa imika loo Badalay Dhinaca Qorax Kasoo Baxa (Bari) Ama dhanka Suuqa Wayn ee Hargeysa .
Waxaa sidoo kale la bedelay Jidka kale ee isna Halbawlaha ah kaasi oo mara xagga dambe ee Dhakhtarka weyn ee Hargeysa waxaanu hore baabuurtu u mari jirtay dhinaca bari ama marka ay Suuqa ku socdaan, halka hadda laga bilaabo ay u socon doonaan dhinaca Galbeed ama baabuurta suuqa ka baxday ay mari doonto.
Maayir ku xigeenka, Taliyaha Ciidanka Wadooyinka Iyo Guddida bilicdu waxaa kale oo ay sheegeen in wakhtigaasi loo qabtay umadu fuliso.

Himilo Media
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment