Tuesday, July 14, 2015

Ictikaafka Q.14aad

 

Ictikaafku dhinaca Luqada Carbeed waa: Shay Nafta lagu dul xabiso oo aan laga dul tegin. Dhinaca Shareecada wuxuu noqonayaa: Masaajidka oo Nafta lagu xabiso, adoo uga jeeda Niyo Cibaado Illaahay loogu dhowaanayo. Ictikaafku waa Mashruuc ku sugnaaday kitaabka Qur’aanka ah, Sunnada Nebiga SCW iyo kulanka Muslimiinta. Kitaabka waxa Illaahay SW yidhi:
“Ha Baashirina [Dumarka] indinkoo Masaajidka ictikaaf ku ah”. Sunnada
Nebiga SCW :
“Wuxuu ahaa [Nebigu SCW] mid ictikaafa Tobanka danbe ee Ramadaan ilaa uu geeriyoodey, isaga ka dib Dumarkiisii ayaa ictikaafi jirey”.

Kulanka Muslimiinta: Ibn Mundir kitaabkiisa Ijmaac wuxuu yidhi: Waxay isku waafaqeen in aan ictikaafku ahayn waajib in Qofku Naftiisa ku waajibiyo maahee [eeg ijmaac, juska 1aad ,bogga:50, Daabaca 1aad ee 2004, soo saaraha: Daarul Muslim].

1. Arkaanta Ictikaafka
Arkaanta Ictikaafku waa Laba : 1- In uu Niyad ictikaaf la yimaado. 2- Inuu Masaajidka ku negaado, labadaa haddii la waayo ictikafkii ansixi maayo.

2. Fadliga Ictikaafka
fadliga Ictikaafka kuma soo arroorin wax Xadiis ah oo saxiix ah, abuu Daawuud ayaa yidhi: Axmed Ibnu Xambal ayaan waydiiyey: ma garanay wax ku soo arooray fadliga ictikaafka? Wuxuu yidhi: maya, Xadiis daciif ah mooyee Cullimadu way isku waafaqeen inuu Sunne yahay [muqni ibn qudama,jiska 3aad ,boga 186]. Haddaba dhamaan Axaadiista ka hadashay fadliga gaarka ah ee uu leeyahay ictikaafku dhamaan waa Daciif, waxa se hubaal ah in uu qiime badan leeyahay maadaama aanu Nebigu SCW marnaba ka tegin Culimaduna waxay ku sheegeen inuu yahay Sunne adag.

3. Wakhtiga ictikaafka
Ictikaafku wakhti kasta waa bannaan yahay, Ramadaan iyo qayrkeedba, wuxuuna ku xasili karaa xattaa Saacad aad Masaajidka fadhiisatid oo niyootid Ictikaaf, muddo xaddidan ma laha, laakiin Nebigu SCW Labaatan Cisho ayuu ictikaafay inta ugu badan ee aan ogahay. Qofkii doonaya inuu Maalin ictikaafo, ama Tobanka danbe ee Ramadaan, wuxuu Masaajidka gelayaa inta aan Qorraxdu dhicin Maalinta labaatanaad, wuxuuna ka baxyaa Maalinta Soddonaad marka Qorraxdu dhacdo.
4. Shuruudaha laga rabo Qofka ictikaafaya
1. Inuu Muslim yahay, Qof Gaal ah kama ansaxayo.
2. Inuu Caqli fayow yahay, Qof dhiman ama waalan kama ansaxo.
3. Inuu Qaan gaadh yahay, Qofka garaad wax kala saaraya leh wuu u ansaxayaa.
4. Inuu daahir ka yahay Jinaabo, Dhiig caado ama Dhalmo.
5. Gabadha la qabo waa inuu Ninkeedu u ogolaado.

5. Shuruuda lagu gelayo Ictikaafka

1. In lagu ictikaafo Masaajid, weliba Jimcaha laga tukanayo si aan Qofku ugu baahan inuu Jimce soo tukado.

2. Inuu Masaajidka ku negaado oo aanu ka bixin, Masaajidka lagama bixi karo, dan adag oo loo baxo mooyee sida wax cunis, Dhakhtar loo baahdo iwm.
3. In la soomo, Qofka Ictikaafaya waxa loo shardiyaa inuu soomanaado mad’habka Xanafayida iyo Maalikiyada ayaa shardi ka dhigay Soonka halka Mad’habka Shaaficiya iyo Xanbaliyadu aanay shardi ka dhigin Soon, waa ictikaafka ka baxsan Bisha Ramadaan, laakiin ictikaafka Ramadaan way isku waafaqsan yihiin inuu Qofku soomanaado.

6. Adaabta Ictikaafka

1. Inuu Illaahay qaabilsiiyo Qalbigiisa.
2. Inuu Cibaadada badiyo sida Salaada, Qur’aanka, Ducada , Xuska Alle, ku Saliga Nebiga SCW iwm.
3. In Gabadhu isku asturto meel ka fog indhaha Ragga, laasimtona adaabta wanaagsan ee Haweenka laga rabo, sida codka oo la gaabiyo.
4. Inuu yareeyo bix bixista wixii aan darruuri ahayn.
5. Inuu wakhtiga Cibaado uga ka faa’iidaysto.
6. Inuu yareeyo hadalka aan Cibaadada ahayn.

7. Maxaa u bannaan Ictikaafaha

1. Waxa u bannaan inuu wixii dan ah ee lama huraan ah u baxo isagoo soo gaabinaya.
2. Inuu soo booqan karo Qof buka.
3. Inuu haweenaydiisa Guriga gaadhsiin karo, haddii ay soo booqato hadduu u baqayo.
4. Inuu Seexan karo xilliga uu u baahdo, Qubaysan karo, is nadiifin karo isagoo ilaalinaya Nadaafada Masaajidka.

8. Maxaa buriya Ictikaafka

1. Gaalnimo ( illaah baan ka magan galee).
2. Niyadii ictikaafka oo uu gooyo.
3. Galmo.
4. Caqliga oo Qofka ka taga, ha waasho ama ha Sakhraamee.
5. Dhiiga Caaddada ama Dhalmada oo Gabadhii ku yimaada.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment