“Heshiis Federal ah marna muu jirin. Xirsi ayaa hadda Xukuumadda u soo jiiday eed aan jirin iyo fadeexad. Laakiin, Madaxwaynaha iyo aniguba shaqo kuma lihin waxaa uu sheegay Xirsi…” Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar
“Waxa weeye dembi haddii la galay kii ugu weynaa, waa khiyaamo Qaran, doorasho dib u dhacday macno ma lahaateen. Laakiin, waxa loogu dheggan yahay waa taas Illaahay maanta soo saaray…” Xasan Guure Jaamac
“Warqaddaas Sirta ah oo aanay dafirin Xukuumadda Somaliland, oo ay eeddana dusha ka saartay Wasiirkii hore ee khaarajiga ayaa horta ah ajandaha…” Jamaal Cali Xuseen
Hargeysa, 07 July, 2015 (Himilo)- Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland ee Xisbiyada UCID, WADDANI iyo Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga iyoToosinta Qaranka, ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay Waraaqo Sir ah oo muujiyay in Xukuumaddu heshiis Midnimo la gashay dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamul-goboleedyada hoos-taga sida ay sheegeen.
Maalmihii u dambeeyay waxaa soo baxayay Waraaqo laga jabsaday Wasaaradda arrimaha dibedda Sucuudiga oo Shabakadda Siraha faafisa ee Wikileaks baahisay, kuwaasoo laga dhex helay Warqado muujinaya heshiis Xukuumadda Somaliland la saxeexatay Soomaaliya.
“Waxa jiray Waraaqo laga soo saaray Wasaaradda arrimaha dibedda ee Sucuudiga, Waraaqahaas faraha badan ee laga helay Sucuudiga waxaa ka mid ah xog la helay oo ku saabsan in Xukuumadda Somaliland February 18-keedii 2012-kii ay dawladda Soomaaliya, Maamulka Puntland iyo Maamul-goboleedyo kale-ba heshiis la saxeexatay inay Somaliland ka mid noqoto Federalka Soomaaliya.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Cabdiraxmaan-Cirro, waxa uu sheegay in arrintani ka soo horjeedo Qarannimada Somaliland, waxaanu yidhi; “Runtii warkaasi waa mid ka soo horjeeda Qarannimada, Dastuurka iyo Aftidii Shacabka Somaliland ee 97% isku raaceen inaanay Madax-bannaanidoodu marnaba gorgortan gali karrin. Waxaa ayaan-darro ah in Xukuumadda Somaliland marar badan Mucaaradka ku eedeysay inay Federalka Xidhiidh la leeyihiin, laakiin, waxaa hadda soo baxay Dhukumenti rasmi ah oo meelo rasmi ah ka soo baxay oo dawlado ka soo baxay.”
“Waxaa intaas dheer in sida qalabka Warbaahinta Somaliland baahisay Xuukumaddu arrintaas qiraal ka samaysay oo aanay dafirin, iyadoo eedda iskaga riixaysa Wasiir ka tirsanaan jiray Xukuumadda (Maxamed Cabdillaahi Cumar Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda), waxay ila tahay Wasiirkaasi Wasiir uun buu ka ahaa Xukumadda, waxaanu ku shaqaynayay Siyaasadda dawladda.” Sidaa ayuu yidhi Cirro.
Cabdiraxmaan-Cirro waxa uu sheegay in Madaxweynuhu ku dhaartay inaanu beddeli doonin Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda, balse uu gadaal beddelay, waxaanu yidhi; “Wasiirka in la beddelo ayaa marar la soo jeediyay, laakiin Madaxweynuhu wuxuu ku dhaartay inaanu weligii beddelayn, inkasta oo uu markii dambe beddelay. Shacabka Somaliland warkaas baannu u sheegaynaa, wixii talo ah waannu urursanaynaa, Wax-garadkeeda, Salaaddiinteeda, Aqoonyahankeeda, Siyaasiyiinteeda wixii arrintaas laga yeelayana mar dambe ayaannu u soo bandhigi Shacabka Somaliland.”
Musharraxa u taagan jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa isaguna kulankaas ay shalay Saxaafadda kula hadleen Is-bahaysiga Mucaaradku ka hadlay, waxaanu yidhi; “Warqaddaas Sirta ah oo aanay dafirin Xukuumadda Somaliland, oo ay eeddana dusha ka saartay Wasiirkii hore ee khaarajiga ayaa horta ah ajandaha aannu isugu nimid. Waxaynu ognahay Xukuumadda Somaliland markii ay xilka la wareegtay waxay tidhi; ‘Siyaasaddii arrimaha dibedda Somaliland waannu beddelnay’ iyagoon Shacabka u sheegin waxay ku beddeleen. Waxaynu ognahay in halkii ICtiraaf laga raadin lahaa ay dadka ku mashquulisay Xukuumaddu wadahadallo ma dhalays ah oo sii soco iyo soo soco ah, taasoo muujinaysa oo hadda ay shaxdu isugu kaayo xidhayso inay wixii ay u socdeen tahay arrinkan uun, heshiiskaa ay February 2012 dhacay uun sidii loo fulin lahaa laga shaqaynayay.”
Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Xasan Guure Jaamac, ayaa isna ku macneeyay arrintan khiyaamo Qaran, waxaanu yidhi; “Waxa weeye dembi haddii la galay kii ugu weynaa, waa khiyaamo Qaran, doorasho dib u dhacday macno ma lahaateen. Laakiin, waxa loogu dheggan yahay waa taas Illaahay maanta soo saaray. Ummadda waxaannu u sheegaynaa inay u diyaar-garowdo siday Madax-bannaanideeda ula soo noqon lahayd, way baxdaye, way iibsantay waxay goysayba.”
“Sabab noqon mayso hebel baa sidaas yidhi oo aannu sidaa ku erinnay, waxay ahayd in markay ogaadeen qabtaan oo Maxakamad taagaan haddii iyagu daacad ka yihiin, arrin yar oo iska sahlan maaha ee ninka isagoo Wasiir ah magaca Somaliland ku saxeexay Federal ayaannu ka mid noqonaynaa dawladda Somaliland ayuu Wakiil ka yahay, Madaxweynahana waa ka Wakiil, haddaannu Madaxweynuhu ogayn waxa Wasiirkiisu qabanayo dee wuxuu ku maqan yahay garanmaayo.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Guure Jaamac.
Hase-yeeshee, Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Maxamed Cabdillaahi Cumar oo wakhtigan ku sugan magaalada Niarobi ee dalka Kenya, ayaa waraysi uu shalay la yeeshay telefishanka Star kaga hadlay arrintaas, waxaanu yidhi, “Heshiis federaal ah iyo wax la mid ah oo intii aan wasiirka arrimaha dibada Somaliland ahaa aan saxeexay ama dhex maray Somaliland iyo somaliya ma jiro. Xirsi ha la waydiiyo halkuu ka keenay warkan. Aniga iyo Madaxwayne Axmed-Siilaanyo wixii Siyaasadda arrimaha dibedda ku saabsan si wada-jir ah ayaannu uga wada-tashan jirnay, Madaxwaynahaana guddoonkooda lahaa. Heshiis Federal ah marna muu jirin. Xirsi ayaa hadda Xukuumadda u soo jiiday eed aan jirin iyo fadeexad. Laakiin, Madaxwaynaha iyo aniguba shaqo kuma lihin waxaa uu sheegay Xirsi.”
Geesta kale, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa dhiniciisa ka hadlay warkan oo uu Wikileaks in Xirsi heshiiskaas iskaga moosay inuu saxeexay Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Dr. Maxamed Cabdillaahi. Hase-yeeshee, waxa uu Xirsi ku dooday in Warkaas aan waxba ka jirin ee uu yahay mid been-abuur ah.
Qoraal uu Wasiir Xirsi soo saaray wuxuu ku yidhi; “Waxaan qalinka u qaatay inaan kalmado kooban kaga falceliyo qoraal aan macno iyo miisaan badan lahayn oo lagu baahiyey warbaahinta qaarkood kaasoo sheegaya in Mareegta caanka ku faafinta siraha dawladaha ee Wikileaks ay baahisay qoraal lagu sheegay in ay kasoo jabsatay keydka siraha ee Wasaaradaha arrimaha dibeda ee Sucuudiga nuxurkeeduna yahay heshiis sida ay ku sheegeen Somaliland iyo Somalia ku saxeexdeen inay dib u midoobaan!! Waxaase kasii daran in ay ku doodeen in aan Wasiirkii hore ee Arrimaha dibeda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar aan dusha u saaray.!”
“Warkan oo ah been abuur aan loo meel dayin ayaan kaliya uga falcelinayaa si aan bulshada ugu iftiimiyo xaqiiqda sidoo kalena dardaaran iyo tilmaam u siiyo cid walba oo war aanay hubin iska baahisa iyo siyaasi walba oo isaga oo aanan xog rasmi ah raadin go’aankiisa ku saleeya wax uu maqlay oo kaliya!.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Xirsi. Waxaanu sheegay inuu Saxaafadda u soo jeedinayo inay iska hubsadaan inuu xaqiiq yahay iyo in kale.
Sidoo kale, Wasiirka Madaxtooyada oo farriin u diraya Siyaasiyiinta waxa uu yidhi; “Waxaan sidoo kale tilmaam Siinayaa siyaasiyiinta marwalba ku go’aan qaata war ay maqleen oo kaliya balse aanan xog ururin iyo xaqiiq raadis toona samayn ee markaaba warka ay maqlaan sii baahiya ama cid ku dhaliila waxaan leeyahay xasuusta Xadiiskii Nebigeenna Muxamed SCW ee macnahiisu ahaa; ‘Qof waxaa been ugu filan inuu sii gudbiyo wax walba oo uu maqlo.”
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment