Wednesday, July 8, 2015

Komishanka oo Kulamo Gooni-gooni ah Xisbiyada kala yeeshay Muddeynta Doorashooyinka iyo Caqabado hortaagan Qabsoomidda Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha.

“Waxaanu u sheegnay inaanu ku jirno dedaal Guurtida lagu qancinayo in Arrinta soo dhaweeyaan oo sharciga waafajiyaan,” – Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa, 08 July, 2015 (Himilo)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa kulamo kala duwan la qaatay Xisbiyada Qaranka oo ay mucaarad iyo muxaafad ula shireen, waxaanay ka wada-hadleen jaan-goynta muddada doorashooyinka ee khilaafku ka taagan yahay iyo sidoo kale diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo laga cabsi qabo inay qabsoomiddeedu ka baaqsato wakhtigii hore loogu muddeeyey.
In kasta oo saxaafaddu dib-joog ka ahayd kulamada Guddiga Doorashooyinku la yeesheen madaxa Axsaabta Qaranka, waxa arrimihii laga wada-hadlay warbaahintu u sharraxay Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde.
Guddoomiye Muuse Biixi ayaa sheegay in Guddiga doorashooyinka kala hadleen muddeynta doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada iyo sidoo kale Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo hore loogu muddeeyey in dalka laga qabto 21-ka bisha July ee sannadkan, taas oo in dib u dhac ku yimaaddo laga cabsi qabo.
“Waxa noo yeedhay Komishanka Doorashooyinka, gaar ahaan bay anniga iigu yeedheen, xisbiyada kalena way u yeedheen. Waxa na weydiinayeen oo talo ka doonayeen laba qodob; midi waxay ahayd in laysla meel-dhigo muddada doorashada oo soo-jeedintii xisbiyada iyo go’aankii Guurtida xaggee laysugu biyo-shubtay ayay na weydiiyeen. Taasi way dhibyarayd oo dastuurku wuxuu awoodda kordhinta siiyey Guurtida, annagu waxaanu lahayn soo-jeedin iyo heshiis dadka siday ula muuqato in la soo dhawayn karo hadday tahay xisbiyada iyo dowladdaba.Guurtida wali xaggeeda kamay dhammaan, waxaanu u sheegnay inaanu ku jirno dedaal Guurtida lagu qancinayo in Arrinta soo dhaweeyaan oo sharciga waafajiyaan, walise arrintaas may hirgelin manay dhammaanin,” Sidaas ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu sheegay oo yidhi, “Ta labaad, waxay noo tibaaxeen in diiwaangelintii oo bilaabmi lahayd bisha July 21-keeda ay u xanniban tahay Server-ka la soo samayn doono oo u baahan in la cayimo muddada doorashada la qaban doono.”
Dhinaca kale, Murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in Jaan-goyn la’aanta muddada doorashooyinku caqabad ku yihiin xil-gudashada guddiga doorashooyinka, waxaanu yidhi, “Dadku waa bani’aadam oo yool-bay leeyihiin, haddii doorashada xilligeedii aan la garanayn oo wali uu muran ka jiro, dee diiwaangelintu qoladan Komishanka laftigooda khal-khal iyo jaahawareer bay ku abuuraysaa oo hab-dhaqameedkoodii shaqo ayay faro-gelinaysaa. Weynu ognahay guddida Doorashooyinka Qaranku waa hay’adda ugu sarreysa ee iyadu go’aamisa xilligay doorashooyinku dhacayaan, annaga xillibay noo sheegeen, umaddana xillibay u sheegeen oo ay yidhaaheen xilligaasaanu doorashada qaban karnaa, laakiin waxa dhacay wax aan Somaliland waligeed hore uga dhicin ilaa shantii doorasho ee aynu soo galnay, shantaa doorasho mar walba xilligay Komishanku yidhaahdaan xilligaasaanu ku jaan-goynay, ayuunbay Guurtiduna odhan jirtay xilligaas halagu jaan-gooyo, markaa taariikhda Somaliland waa markii u horeysay ee xilligay qolada Komishanku u muddeeyeen doorashooyinka ay Odayaasha Guurtidu dedafeeyaan oo ay yidhaahdaan xilligaas maaha ee wakhtigaas.”
Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee WADDAN Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde oo warbaahintu wax ka weydiisay ujeeddada kulanka dhexmaray Guddiga doorashooyinka, ayaa sheegay in xil-gudasha Komishanku u xusul-duuban tahay hirgelin la’aanta heshiiskii dhexmaray Xisbiyada iyo Xukuumadda oo xilliga doorashooyinka loogu muddeeyey bisha December ee sannadka 2016-ka.
“Waxay nagala hadlayeen Diiwaangelinta iyo Arrimaha Doorashooyinka. Runtii, waxa nasiib-darro iyo dhibaato haysa Komishanka doorashooyinka iyo Qarankaba ah iyadoo ilaa maanta aanay xukuumaddu hirgelin heshiiskii ay xisbiyadu gaadheen, ta dhibta ku haysa komsihanka doorashooyinkuna waxa weeyaan ummad inta wax loo diray, wakhtigana aan la siinin oo la leeyahay waxna qabta, dibna yaanay u dhicin (doorashada), wixiina ha dhammaadaan,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa oo yidhi, “Waxaad mooddaa wixii lagu heshiiyey ee qoraalka loogu gudbin lahaa komishanka ee ay ku shaqeyn lahaayeen ilaa maantana aanu madaxweynuhu waxba ka qaban, inay taasi keentay inay dib u riixayso Diiwaangelintii dhib badanna ay ku hayso komishanka iyo cid kasta oo dimuqraadiyadda danaynaysa. Waxaan u soo jeedinaynaa xukuumadda Somaliland in si dhakhsaha loo hirgeliyo wixii ay xisbiyada iyo xukuumaddu ku heshiiyeen.”
Kulanka shalay dhexmaray Guddiga Doorashooyinka iyo Madaxda Xisbiyada Qaranka, ayaa daba-socda kulan horaantii todobaadkan Komishanku la yeesheen madaxweyne Siilaanyo, kaas oo lagaga wada-hadlay sidii muddo cayiman loogu jaan-goyn lahaa doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo khilaaf siyaasadeed ka abuuray dalka, kaddib markii Golaha Guurtidu muddo-kordhin laba-sanno ah oo xilliga doorashooyinka ku riixay badhtamaha sannadka 2017-ka u sameeyeen Madaxweyneynaha iyo Golaha Wakiillada.

Himilo media
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment