Saturday, July 4, 2015
Maamulka Dekedda Berbera oo ka hadlay Markab la sheegay inuu Hub iyo Gaadiid Ciidan u sido dawladda Somaliland.
Maareeyaha Dekedda Berbera Muxuu ka yidhi Dhisme laga wado Dekeddo oo la sheegay in la siiyey Shirkadda Shaybe iyo Wakiilka Imaaraadka Carabta ee Somaliland?
Berbera, 04 July, 2015-(Himilo)- Maamulka Dekedda Berbera, ayaa xalay cawaysinkii dambe ka hadlay Markab la baahiyey inuu Shixnad Hub ah iyo Gaadiid ah oo kala duwan u sido dawladda Somaliland, kaasoo la faafiyey inuu ku soo xidhay Dekedda Berbera. Hase-yeeshee, Maamulku waxa uu sheegay in warkaasi yahay mid been-abuur ah oo ay mid ka mid ah Shabakadaha Wararka Somaliland baahisay.
Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor), ayaa xalay cawaysinkii dambe Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa xarunta Dekedda ee magaalada Berbera, waxa uu ku sheegay inaanay waxba ka jirin warka sheegaya in Markab noocyo kala duwan oo Hub iyo Gaadiidka Ciidanka ah u sida Somaliland uu ku soo xidhay Dekedda. Iyadoo Shabakadda Warkan faafisay sheegtay in Markabkaasi hubka Somaliland uga soo qaaday Dekedda Dubai ee waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Eng. Xoor-xoor waxa uu sheegay in Qaranka Somaliland uu masuul uga yahay Dekedda Berbera, sidaa awgeedna Gaadiid aanu ogeyn waxa ay sidaan ku soo xidhan karin Dekedda caalamiga ah ee magaalada Berbera. Waxaanu ku dooday in warka sheegaya Markabka Hubka sida ee Dekedda yimi yahay mid ujeeddo kale laga leeyahay. Isla markaana, uu xaqiiqada ka fogyahay, jirinna Markab Shixnad Hub iyo Gaadiid Ciidan ah oo ku soo xidhay Dekedda.
“Waxaan dadka u caddaynayaa, warkaa la baahiyey ee ah Markab Hub sida ayaa ku soo xidhay Dekedda Berbera, warkaasi waa been, Hub waddanka u soo degay oo halkan ka soo degayna haba-yaraatee ma jiro. Muuqaallada Warkaas la raaciyey-na maaha Dekedda Berbera, ma garanayo meel laga keenay, laakiin halkan (Dekedda Berbera) maaha.” Sidaa ayuu yidhi Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Xoor-xoor.
Waxa kale oo uu Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Xoor-xoor beeniyey dhisme laga dhisayo Xayndaabka hore ee Dekedda Berbera laga galo oo la sheegay in la siiyey Shirkadda Shaybe iyo Wiilka Madaxweyne Siilaanyo Soddogga u yahay. Hase-yeeshee, waxa uu Maareeyuhu sheegay in dhulku yahay dhul dawladeed oo hore looga raray dad degganaa, isla markaana aanay jirin cid kale oo la siiyey, balse uu yahay dhisme loo samaynayo Dekedda Berbera oo ka mid noqon doona Dhismayaasha ay Dekeddu adeegsado ee Keydka la dhigo.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment