Monday, July 13, 2015

Madaxwaynaha Somaliya Oo Gaadhay Addis Ababa Iyo Nuxurka Shirar Caalami Oo Uu Ka Qayb Galayo.

Muqdisho 12 july 2015 (Himilo)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafti uu Hoggaaminayo ayaa maanta Gaadhay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu kaga Qayb-galayo shirweynihii saddexaad ee Maal-gashiga Caalamka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobay.

Shirkan oo ay kasoo Qayb-geli doonaan Hoggaamiyeyaasha Caalamka, Wakiillo ka socda Waddamada Caalamka, Hay’adaha Maaliyadda iyo Ganacsiga ayaa waxaa Diiradda lagu saari doonaa qaabka loo tayeyn karo Maal-gashiga ku baxa horumarinta iyo in laga hor-tago falalka Cashuuraha lala goosto oo ay ku lumaan balaayiin doollar oo wax lagaga qaban karayay yareynta Saboolnimada.

Waxaa kaloo shirkaan lagaga hadli doonaa Horumarinta Adeegyada cashuur ururinta ee Caalamka iyo Xakameynta lacagaha sida Sharci-darrada ah la isugu gudbiyo caalamka oo dhan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirkan ka sokow, waxaa kaloo uu ka Qayb-geli doonaa shir gaar ah oo madaxda Urur-goboleedka IGAD ay kaga hadli doonaan Nidaaminta iyo la socodka Xawaaladaha.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliya oo socdaalkiisa ay ku Wehliyaan Wasiirro, qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamanka iyo mas’uuliyiin kale ayaa sidoo kale la filayaa inuu khudbad ka jeediyo Shirarkan caalamiga ah.

Soomaaliya oo ah dal kasoo kabanaya dagaallo sokeeye, una baahan maalgashi iyo dib u dhis ayaa la filayaa in shirkan ay kala soo noqoto natiijooyin wax ku ool ah.

Markii uu madaxwayne Xasan Sheekh iyo Waftigiisa gaadheen Garoonka Diyaaradaha ee Addis Ababa ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay masuuliyiinka ka tirsan dawlada Itoobiya iyo hawlwadeenada safaarada somaliya ee Addi Ababa.



Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment