Monday, July 13, 2015

Madaxwayne Siilaanyo Oo Tacsi U Diray Gudoomiyihii U Horeeyay Baarlamaanka Dawladihii La Isku Odhan Jiray Somaliya Marxuum Aw Jaamac Cabdilaahi Qaalib (Diir-qadhaadh) .

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid alle ha u naxariistee gudoomiyihii u horeeyey ee loo doortay Baarlamaankii dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya Marxuum Aw Jaamac Cabdilaahi Qaalib (Diir-qadhaadh) oo ku geeriyooday dalka Zambia magaalo madaxdiisa Lusaka 13/07/2015,



Marxuumku wuxuu ka mid ahaa dadkii ka soo shaqeeyey door muhiimana ka qaatay in aynu ka xorowna boqortooyadii ingiriiska ee wakhigaa ina xukumi jirtay, xornimadana aynu ka qaadanay 26-June-1960kii balse nasiib xumo aynu ula tagnay calankeeni dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ka dibna uu marxuumku noqday gudoomiyihii u horeeyey ee loo doortay Baarlamaankii dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, oo aynu ku hungawnay kalana soo noqonay 18-may-1991kii xornimadii inaga khasaartay 1960kii. Marxuumku waxa uu ku dhashay Magaalada Hargeisa 1930kii, isaga oo ifka kaga tegay 7 caruura.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.



IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

No comments:

Post a Comment